Monday, 16 January 2023

Socdaalkii Udugga Xoriyadda Qaybta 2aad

                                                                


Goor galab gaab ah qoraxduna isku hubsatey godkeedii ayaan soo istaagney magaaladii Beledweyne, xoogaa yar kadib waxaaa la adimey salaadii maqrib waxaana is halhaleel u abaarney masaajidka Cumar bin khadaab oo aan ku tukaney salaadii maqrib. 

Dhamaan geyiga Soomaalidu degto waxaa dhif ah hadii muadinku dadka liibaanta ugu yeero in la ajiibi waayo sidaas darted ayey dhamaan shanta salaadood jamaacada u buux dhaafiyaan boqolaal dad ah oo socoto iyo degaanba isugu jira. Masaajidka Cumar bin Khadaab inkasta oo uu yahey mid cariiri ah hadana way ka muuqataa juhdiga badan ee uu geliyey Shiikh Adam Garweyne, nalalka dhalaalka badan ee ka shidan ayaa banaanka soo dhigey nadaafada, bilicda, jaaha iyo farshaxanka quruxda badan ee magacyada ilaahey lagu qorey. waxaa darbi kasta ku dhagan boor weyn oo ay ku sawirantahey naqshadda cusub ee la qorsheynayo in dhismihiisa cusubi u ekaado. Goor inta badan jamaacadii dareertay, qeyb haleeli weyndana ay koox koox iyo gaargaar u tukanayaan ayaa qeybta hore ee masaajidka koox dhalinyaro iyo culumo gar madow ah isugu jirta xalqo meegaartey waxaana is qabsadey amaanta Nebiga SCW, wiilyaroo madow aadna u dhuuban ayaa meel gadaale dabqaad foox ah kala soo xiimaya, ragii aan wada soconey ayaa is weydiiyey caawey iney Jimce tahey iyo inkale balse waa habeen Isniini carowday Talaadana soo qalab qaadataye waxaa lagu jiraa bishii barakeysnayd ee Mawliid waana bishii Suubanaha la dhaley, Waxaan ka xishooney inaan Masaajidka ka baxno anagoon heleelin ducada malaaigta ee kooxdaas sida wadajirka ah saliga Nabiga iskula jiibinaya ku hooreysa, waxaa caado ah in dhamaan dadka xalqada fadhiya intooda badan lakala gaarsiiyo kitaabka laga aqrinayo amaanta Nebiga, qofkii ka cudur daartna uu kan ku xiga usii hadiyeeyo, waxey socotaba waxaa igu yimid kitaabkii oo wata dhamaan wixii iftiin dunida yaaley, waxaana ka masuugey qofkasta oo iga dambeeyay aqrintiisa. 

Magaalada Beledweyne oo ah magaalo taariikh mug iyo miisaan leh ku dhex leh geyiga Soomaaliyeed oo ay adagtahey in hal sheeko ama hal buug lagu soo kobo ayaan dhexda ka taagannahey, Magaca Beledweyne oo siyaabo kala duwan la wariyo inuu ku baxey iyo taariikhaha soo jireenka ah ee magaalada waxaa si qoto dheer oo faahfaahsan nooga haqab tirey C/qadir Xaji Maxamed Masalle oo ku tiigtiigsadey buugii  uu ugu magac darey “ Beri hore iyo Beledweyne” Sida uu asaguba yiri; Beledweyne iney tahey dhuunta iskuxirta Soomaaliya waa mid aan il bani aadam oo aragtey inkiri karin. Daalkii safarka mudada 12 ka saac ku dhaw qaatey ayaa qofwaliba xoogaa yar oo madax wareer ah dhaxalsiiyey balse qof dawo u baahani naguma jiro oo nin walba bakeeri shaax oo uu qac kasiiyaa hiifta waa ka didisaa, meherada Asli oo ku caan baxdey shaax macaani dadka qaarna ugu yeeraan “Shaax Macaan” ayaan fariisaney, beesha ayaa koox koox u  fadhida, dhalinyaradu intooda badani sheekooyin iska caadi ah ayey kala dafayaan, odayaasha ayaa tagtadii beerlaxawsanaya, inteenii wada socotey waxaan falanqeyn ugu dhaqaaqney magaalada Beledweyne, inteena badan waa markoodii 1aad qaarna waa ku dhasheen, kuna ilka dhacsadeen. Beledweyne oo caan ku ah laguna xusuusta qisadii jacayl ee abwaan Hadraawi Aun ayaa qof waliba oo booqdaa xiiseeyaa inuu arko buundadii liiqliiqato oo ah halkii ay Beerlula quruxdeedu ku dawikhisay, waloow ay heesta Beledweyn naga haqab tirtey nana dhex istaajisey qisadii halkaas ka dhacdey hadana qofwalba ayaa hamiya in Beerlula waqtigiisa joogtaa kusoo beegmi karto. Qof walba sheeko ayuu leeyahaye waxaa la isku dhiidhiibey sheekooyin teelteel ah iyo nin walba iyo wixii uu xaawaley kala kulmey.

Waxaa caadi ah ka sheekeeynta jabka, baabaa, iyo kala anfariirka ku dhacey kooxii gabalkeedu dhacey ee argagixisada aheyd oo firxadkoodu il iyo aragti yahey kaas oo mar aan fogeyn qofkii magacooda soo qaada loogu nasteexeyn jirey inuusan saaq gelin balse baraarug bulsho ayaa dhacey waxwalbana caksi ayey noqdeen, Xaaji Faarax Jeylac oo ka yimid degmada Maxaas ayaa nooga sheekeyey wixii gaboodfalo ay ka geestaan dhulkaas, meelo ay kamid yihiin Geedasamo, Sagalgeed, Yaasooman, iyo Aboorey oo ahaa degaano uu inta booqasho iyo ganacsiyo ku tagi jirey ayuu carabka ku dhuftay. Waxey hanti baad ah ka qaadi jireen qofkasta oo degaanka ah taas oo ay ugu yeereen Zako balse aan loo marin dariiqii diintu sheegtay, waxey xireen masaajid boqolaal sano dhisnaa bulshadana u ahaa goob cibaado iyo xarun cilmiyeed, qofkii afkaarta guracan ee diinta salka iyo raadka midna aan ku laheyn kala doodaba wey u dhameeyeen, Sh Cabdullahi Awliyo oo ahaa Macalinkii quraanka iyo Sheikhul baladkii ayey barqo cad dileen. Intaas kuma aysan hakane gabdhihii ayey reerahoodii ka fara maroojiyeen wax guur ay ku sheegeenna ku qasbeen, waxey dhamaan aaseen dhaqankii iyo wada noolaanshihii bulshada Soomaaliyeed caanka ku aheyd, waxaa dhif noqdey qof aamina qof, waxaa la weriyey wiil waalidkii dhaley u diley iney gaalo yihiin, midkale ayaase hooyadiis ku xukumay karbaash oo ku sababeeyay inuusan aabihiis ku guursan sharciga, Ayeeyooyinkii salaada duhur kadib geedaha quracda isugu imaan jirey dhawrtadana ugu duceyn dalka, dadka iyo diinta ayaa kabtooda la kala tuurey, waxey ahaayeen qawm inkaaran oo dalkaan iyo dadkaan lagu dayacaye hada waa laga nasty ayuu kusoo gunaanadey xaaji Faarax. Mudadaas waa yaraa qof sadaqo u bixiyey waalidkii dhaley ee geeriyoodey, waxaase kasii yaraa oo naadir noqdey mid qabrigooda booqdo oo faataxa kusoo aqriya, dad aan weligood ilaahey mooyee qayrkii u sujuudin ayey ku shaabadeeyeen Shirki, qabuurtii culumada, cuqaasha iyo kuwii qadarinta badan loo hayey ayey faageen lafahoodiina banaanka soo dhigeen. 

 Kooxda arxan laawayaasha ah oo mudo 15 sano ku dhaw maamulayey qeybo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa hada waqtigoodii dhamadey, hadalkii uu jeediyey maalmihii uu xilka qabtey madaxwaynaha hada talada haya oo ahaa in shabaab waqtigoodii dhamaadey hada kadibna ay yihiin taariikh laga sheekeeyo ayaa rumoobey, sida qofwalba uu maleynayey  hadal siyaasi Soomaaliyeed oo aan afka dhaafsiisneyn alle kama dhigin, juhdiga ay dawladu ku bixisey ciribtirkooda waxaa xoojiyey kacdoonka iyo baraaruga shacabka oo ah waxa maanta halkaan lagu soo gaarey iyo in qofwalba qalin u qaato ka sheekeyntooda si jiilka dambe ay u maanka ugu hayaan in xornimada ay haystaan ay god u galeen rag laga jeclaa dunidaan. 

Magaalada Beledweyne oo aan joogney mudo kooban ayaan galabkii dambe ka baqoolney waxaana isla galab gaabkii gaarney magaalada Buulaay, Safarkeygii waxbarsho ee Xamar aan ku qaatey wuxuu i dhaxalsiiyey saaxiibo ka kala yimid guud ahaan geyiga Soomaaliyeed inaan hantiyo, raga aan wada socono oo re Hiiraan u badan degaan iyo hawlna isku duba ridey marka laga soo tago waxaan halkaas ku tabayaa Fadumo Shiikh Saalax, markii iigu wardambeysay waxey ka shaqeynaysay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha xafiiskeeda Buula barde, guriga oo tilmaan kadib aan soo haleelay ayaan garaacneey waxaan daarada hore fadhisa Hooyo Cambaro oo salaada Casir halkii ay ku tukatey ku sugeysa Maqrib, tusbax dheer oo Shan boqol ah eyey gacanta ku haysataa, waaba Fadumo oo jikada kasoo baxdey, salaam iyo marxabeyn kadib waxaan dhawr gambar naloo dhigey deydka dhexdiisa, horey ayaan uga cudur daaraney marti qaad xoogan balse kan hada ay nasoo hoos dhigtey ayaan ka dhicin wixii aan ka cudur daaraney, Shiikh Saalax, Faduma aabaheed oo ah askari hore hadana ah Khadiibka magaalada ayaa soo galey, Shiikh Saalax iyo aniga maahan kulankeennii u horeeyay oo mar Xamar dhakhtar loo keenay ayaan isbitaalka ku booqdey. Salaan kadib sheekaba inteysan bilaaban ayuu na weydiiyey sababta safarkeena iyo suaal kale oo layaab ku noqotey intii ila socotey oo aheyd qabiilada aan ka dhalaney, “Qabiilku ceeb maahan oo ilaahey ayaa naga dhigey qabiilo si aan isugu garano” ayuu ku hadaaqey aamus dheer kadib, daqaradii kala gaarey umadda Soomaaliyeed iyo waxqeybsigii aan cadaalada ku dhisneyn ee 4.5 ayaa ka dhigey qabiilka mid laga hadlaan ah, la isma weydiiyaan ah balse waxaan la dafiri karin in qofka aad kulantaan asagoo bar raacaya meesha aad ka timid iyo qaabka u hadleysid uu qabiilka qiyaasanayo balse maxey u jirtaa hadii uu ku weydiiyo, “Dhulkaan Koofur dadka degan ayaa Soomaali ugu ayaan daran barwaaqada ay haystaan iyo sida ay uga aradanyihiin” ayaa hadalkiisa kamid ahaa, oo Xaaji miyeysan Soomali oo dhanba sidaas oo kale dhulkooda uga wada aradneyn ayaan ku celiney, wuxuu noo hoga tusaaleeyey in la is dhaamey. Berisamaadkii, Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee la fa gambiyey, kacaankii iyo xukunkii askarta waxa laga faaidey, shuuciyadii iyo hanti wadaaggii, sidii diinta loogu gefay xiligaas, xasuuqii loo geystay bulshweynta Soomaaliyeed ee aan loo aaba yeelin, halgankii asaguna natiijada fiican aan laga dhaxlin ee xukunka looga tuurey, tala xumada ragii odaga erya isku dhaarsadey balse wax ka dambeeya aan wax iska weydiin, Wadaadadii afkaaraha cusub soo musaafiriyey, qaabkii ay uga falceliyeen Suufiyadii iyo dariiqooyinka kala duwan dadkii heystay, safaradii uu ku tagey dalalkii midowgii Soofiyeeti iyo in marar badan dhalinyaranimadu ku kedisey inuu ka wardoona balwado kala duwan iyo baarar lagu tunto. 

Marka laga soo taago waayihii tagey wuxuu sidoo kale si duulmar ah fikrad nagala wadaagey waxa taagan maanta oo ay tahey in tagtadii laga tusaale qaato waxna la hagaajiyo, Faderaalka la qaatey kama didsana balse wuxuu aaminsanyahey in qolo gaar ah aysan ku awrkacsan ee uu noqdey mid dhexda yaala dadka oo dhama ka wada hadlaan, inaan qolana lagu dulmin nidaamka cusub dadkuna ay si siman waxu wada qeybsadaan, “ Soomaalidu colaad iyo gaajo waa ka daashey, ee hada wixii ka dambeeya waa in la helaa xal waara” ayuu ku tacaabey, waa runtiisoo wuxuu waayo joog usoo ahaa in ka badan nus qarni oo Soomaalidu ay aheyd kuwa aan meelna heysan, Shiikh Saalax oo ahaa maktabad aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa aan jaamacaha laga soo helayn ayaa salaadii maqrib oo gelitaankeedu foodda nagu soo hayo u ruqaansadey, waa ay yareyd in la helo qof sidaas xog ogaal u ah oo dhankasta iyo qeyb kasta oo bulshada kamid ah si qotodheer uga warbixin kara. Shiikh Saalax oo xiligii dambe noqdey xerow u go’ay barashada diinta islaamka hada waa uu ka duwanyahey Saalax Jeekey oo ah magacii loo aqoon jirey xiligii uu askariga ahaa, magacaas ayaa ugu baxey xeradii uu ku qaatey dhiibowga. Hadal waano iyo waxsheeg u badnaa ayuu  rageenii dhalinyarada ahaa usoo jeediyey, dhalinyaranimada, caafimaadka iyo waqtiga inaan ka faaideysano ayuu na farey, Xadiiskii Nebiga Scw ee ahaa shan ka faaideyso inteysan imaan shan ayuu na xasuusiyey, ugu dambeynna wuxuu nagu booriyey guurka waloow aan weli la guursan gabadhiisa Fadumo oo ilmihiisa u yar. 

Hadalkaa dambe Shiikh Saalax wuxuu markale nasoo xasuusiyey aqalgalka saaxiibkeen Caanageel oo qabanqaabadiisu socoto ka qeybgalkiisana aan isku dhaarsaney, waxaan isku miisaamayey culayska safarka aan ku jirno oo bilow ah dhul balaaranna uu noo dhimanyahey iyo culayska xaflada aroos ee saaxiibkeeen balse kafadu dhinaca safarka marnaba uma ciirin oo saaxiibtinimada gaamurtay ayaa ka hiilisey. Caanageel oo waayihii dambe magaalada Marka iyo qeybo kale oo Shabeelaha Hoose kamid ah shaqooyin ka hayey ayaa u ardaa fariistay Salma Caliyoow oo ah dhakhtarad ka hawlgasha isbitaalka guud ee magaalada Marka kuna caan ah (Iisho) oo ayeydeed Faay Nuurto ay la jeclaatey.

Sunday, 15 January 2023

Socdaalkii Udugga Xoriyaddda Qaybta 1aad



Top of Form

Dhulka oo hiimse hiimse ah baan ka jarmaadnay Xamar, Safarka Waxaa Hoggaamiye ka ah, Ilkacase oo hantiile iyo saaxiib dhaw aan nahey, sidoo kalena baabuurkiisa nagu wada, Aniga iyo Biibaaye ayaa kursiga gadaale fadhina. Waxaana na hagaya nin aana magaciisa xuseyn oo kurisga hore fadhiya sidoo kalena mararka qaar sigaarku uusan ka dameyn, marba hees ayuu xulaya oo midii uu shidaba qisadeeda ayuu noo hormarinayaa kadibna erayada iyo luqadaba la jiibinayaa, caadi ahaan aniga sigaarka ima dhibo maadaama aan mudo ku noolaa wadan ay dadkiisu aad u cabaan oo in agetyda lagu cabo xasaasiyad kuma qabo balse saaxiibada kale ee nala saran oo qaarkood sanboor qabaan aad bey u dhibsanayaan, haba iska sigaar cab badnaadee waa dal-mar kaftankiisa iyo ilbaxnimadiisa aad la tacajabayso. Hadafkeenu wuxuu yahey inaan safar aan jadwal laheyn ku marno gobolo iyo magaalooyin kala duwan oo dhawaan neecawda xornimadu gaartey ku yaala wadnaha dalka. Waxaan Salaaddii Subax kusii tukanay magaalada banaankeeda. 

Goor ay subax hore tahey ayaan qurac yar oo kulul kaga dhufaney Balcad, gabar ayaa maqaayada ka shaqeynaysa, raga intooda badani waa doob oo wax reer yeeeshey waxaa nooga jira hal nin oo asagana ay mardhaw kala tageen ooridii. Balcad ayaan ka ruqaansaney oo jiho ku beegan Woqooyi-bari ayaan afka saarnay. Xaashi oo na wehliya ayaan dhegaysanaynaa, Sheekaduna hal mar nagama kala go’ayso. Wuxuu nala wadaagayay xog kasta oo uu ka hayo Dhulka, Dhirta, mararka qaar fanka iyo suugaanta ayuu nooga sheekaynayaa, mararka qaarna dooodo cilmiyeed  oo ay dhawaan galeen wadaado ka kala tirsan firqooyinka diinta, mawduucyo lagu kala fikir duwanyahey oo ay kamid yihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka, Jebintii shabaab kadib waxa ay tahey in xoogga la saaro, bayaanno kasoo baxey wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo la xariira hanaanka shaqaaleysiinta iyo ole ole shacabku ku dalbanayaan in doorasho qof iyo cod ah oo hufan si degdeg loo amba qaado. 

Mararka qaar Xuseen ayaa soo tuuraya sheekooyin u badan xasuusa hore oo ka sheekayntooda ay na ilowsiinayso masaafada dhul ee aan soo jarney. Mar waxaan u dhag taagayaa sheekooyinka iska daba dhacaya iyo doodaha, marna waxaan milicsanayaa bilicda iyo quruxda uu leeyahey dhulka  aan dul carareyno, “waa nasiib daro in Shabaab dhulkaan 15 sano ka talinayey balse maanta hadii laga fara maroojiyey waaa ilaahey mahadiis” ayuu cod hoose qalbigeygu iigu sheegayaa. Safarka aan ugu socono Hiiraan kadibna aan uga sii gudbeyno Galgaduud aniga waxa ugu badan ee xiisaha igu hayaa waa hilow aan u qabo magaalooyinka Beledweyne, Buula barde, Ceeldheer, Galhareeri, iyo Xaradheere oo qaarkood bilo kahor laga qabsadey lagana ceyriyey kooxdii Argagisada aheyd ee Shabaab.

Urta Digada Xoolaha ayaa kolba na saaqaysa oo aan dhamaanteen sanka la raacaynaa, Waxaa iyaduna maskaxdayada ka guuxaysa Hormadii Geella ahayd ee aan goordhaweyd ka caana cabney taas uu leeyahay nin magaciisa noogu sheegay Xaaji Calasoow aw Cabdulle. Xaaji Calasoow ayaa noo sharaxaya Dhirta kala duwan oo deegaanka ka baxda iyo Magacyadooda waxaananu ku hakanaynaa hadba Geedka naga soo hor baxa. Quraca, Higleyga, Shilinka, iyo Sarmaanka marka laga yimaado magacyada soomaliga ah ee uu xaajigu noo sheegayo waxaa  nahey dhalinyaro baratey cilmiga beeraha oo aniga iyo ilkacase ayaa hadba isku tuureyna kani wuxuu kamid ah bahda Astraceae iyo maya ee waa Acacia, “Dhirtaan waa kuwa C4 la yiraah ee u dulqaadan kara abaarta iyo biyo yarida sidoo kale muddo badan noolaaan kara” waxey ku jirtey cashar aan ka qaadaney Prof. Warfaa. Geelii iyo Xaaji Calasow ba markaan u ducaynay ayuu mar kale na hor kacey hormuudkayagii dhulyaqaanka ahaa. 

Waxaanu sii marnay tuulooyin badan oo roobkii deyrta ahaa ka da’ay dalagyada kala duwan ee beeruhu is qabsadeen, wabiga shabeelle ayaa qarka maraya oo buux dhaafey, maalmo aan fageyn ayey aheyd markii aan wax ka dajiney mashruuca dib u habeynta biyo xireenadii hore dayactirkooda waxaa la rajeynayaa in dhawaan xariga laga jaro mashaariic ay ku baxeyso lacag fara badan laguna hirgelinayo biyo xireenno cusub si beeraleyda iyo wax soosaarkooda loo hormariyo. Saacado safar ah kadib waxaa goor barqa ah qoraxduna soo kululaaneyso soo gaarney Jalalaqsi, Waxaana albaabada naloo furay Beertii Abdinaasir oo Cambuhu adigoo hoos maraya madaxa kaaga soo daadanayo. Soo dhaweyn iyo marxabeyn kadib sheekooyin iyo xifaalo ayaaan qadadii ku suganey.

Raga wada socda oo ree Hiraaan iyo Ree Mudug kala ah hadana kaftanku waa isugu baxayaa. Caanageel oo maalmo kadib aqalgalkiisa ay tahey ayaa is xasuusiney inaan si kedis ah uga qeyb galno xaflada asaga oo aan fileyn waloow ay ka dhaceyso magaalada Marka hadan waxaa moodaa iney tahey fursad kale oo aan gobolka shabeelaha hoose kusoo dalxiisno. Markaas ayaan u carrawnay dhinacaa iyo Beledweyne oo qorshaheenu yahey inaan caaawa ku hoyano, heestii Beledweyn ayaa daaran Ceyroow oo jalaqsi naga soo raacey ayaana la wareegey koontaroolka sheekada waloow aysan jaceylka isku fiicneyn hadana waa waaya arag oo wuxuu hayaa sheekooyin badan oo jaceyl hadba mid ayu uku tuurayaa tii abwaan Hadraawi iyo Beerlula waa lagama sheekeeyaan oo heesta ayaa sharxaad ku filan qofkastana waa hayaa.


ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...