Sunday, 15 January 2023

Socdaalkii Udugga Xoriyaddda Qaybta 1aad



Top of Form

Dhulka oo hiimse hiimse ah baan ka jarmaadnay Xamar, Safarka Waxaa Hoggaamiye ka ah, Ilkacase oo hantiile iyo saaxiib dhaw aan nahey, sidoo kalena baabuurkiisa nagu wada, Aniga iyo Biibaaye ayaa kursiga gadaale fadhina. Waxaana na hagaya nin aana magaciisa xuseyn oo kurisga hore fadhiya sidoo kalena mararka qaar sigaarku uusan ka dameyn, marba hees ayuu xulaya oo midii uu shidaba qisadeeda ayuu noo hormarinayaa kadibna erayada iyo luqadaba la jiibinayaa, caadi ahaan aniga sigaarka ima dhibo maadaama aan mudo ku noolaa wadan ay dadkiisu aad u cabaan oo in agetyda lagu cabo xasaasiyad kuma qabo balse saaxiibada kale ee nala saran oo qaarkood sanboor qabaan aad bey u dhibsanayaan, haba iska sigaar cab badnaadee waa dal-mar kaftankiisa iyo ilbaxnimadiisa aad la tacajabayso. Hadafkeenu wuxuu yahey inaan safar aan jadwal laheyn ku marno gobolo iyo magaalooyin kala duwan oo dhawaan neecawda xornimadu gaartey ku yaala wadnaha dalka. Waxaan Salaaddii Subax kusii tukanay magaalada banaankeeda. 

Goor ay subax hore tahey ayaan qurac yar oo kulul kaga dhufaney Balcad, gabar ayaa maqaayada ka shaqeynaysa, raga intooda badani waa doob oo wax reer yeeeshey waxaa nooga jira hal nin oo asagana ay mardhaw kala tageen ooridii. Balcad ayaan ka ruqaansaney oo jiho ku beegan Woqooyi-bari ayaan afka saarnay. Xaashi oo na wehliya ayaan dhegaysanaynaa, Sheekaduna hal mar nagama kala go’ayso. Wuxuu nala wadaagayay xog kasta oo uu ka hayo Dhulka, Dhirta, mararka qaar fanka iyo suugaanta ayuu nooga sheekaynayaa, mararka qaarna dooodo cilmiyeed  oo ay dhawaan galeen wadaado ka kala tirsan firqooyinka diinta, mawduucyo lagu kala fikir duwanyahey oo ay kamid yihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka, Jebintii shabaab kadib waxa ay tahey in xoogga la saaro, bayaanno kasoo baxey wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo la xariira hanaanka shaqaaleysiinta iyo ole ole shacabku ku dalbanayaan in doorasho qof iyo cod ah oo hufan si degdeg loo amba qaado. 

Mararka qaar Xuseen ayaa soo tuuraya sheekooyin u badan xasuusa hore oo ka sheekayntooda ay na ilowsiinayso masaafada dhul ee aan soo jarney. Mar waxaan u dhag taagayaa sheekooyinka iska daba dhacaya iyo doodaha, marna waxaan milicsanayaa bilicda iyo quruxda uu leeyahey dhulka  aan dul carareyno, “waa nasiib daro in Shabaab dhulkaan 15 sano ka talinayey balse maanta hadii laga fara maroojiyey waaa ilaahey mahadiis” ayuu cod hoose qalbigeygu iigu sheegayaa. Safarka aan ugu socono Hiiraan kadibna aan uga sii gudbeyno Galgaduud aniga waxa ugu badan ee xiisaha igu hayaa waa hilow aan u qabo magaalooyinka Beledweyne, Buula barde, Ceeldheer, Galhareeri, iyo Xaradheere oo qaarkood bilo kahor laga qabsadey lagana ceyriyey kooxdii Argagisada aheyd ee Shabaab.

Urta Digada Xoolaha ayaa kolba na saaqaysa oo aan dhamaanteen sanka la raacaynaa, Waxaa iyaduna maskaxdayada ka guuxaysa Hormadii Geella ahayd ee aan goordhaweyd ka caana cabney taas uu leeyahay nin magaciisa noogu sheegay Xaaji Calasoow aw Cabdulle. Xaaji Calasoow ayaa noo sharaxaya Dhirta kala duwan oo deegaanka ka baxda iyo Magacyadooda waxaananu ku hakanaynaa hadba Geedka naga soo hor baxa. Quraca, Higleyga, Shilinka, iyo Sarmaanka marka laga yimaado magacyada soomaliga ah ee uu xaajigu noo sheegayo waxaa  nahey dhalinyaro baratey cilmiga beeraha oo aniga iyo ilkacase ayaa hadba isku tuureyna kani wuxuu kamid ah bahda Astraceae iyo maya ee waa Acacia, “Dhirtaan waa kuwa C4 la yiraah ee u dulqaadan kara abaarta iyo biyo yarida sidoo kale muddo badan noolaaan kara” waxey ku jirtey cashar aan ka qaadaney Prof. Warfaa. Geelii iyo Xaaji Calasow ba markaan u ducaynay ayuu mar kale na hor kacey hormuudkayagii dhulyaqaanka ahaa. 

Waxaanu sii marnay tuulooyin badan oo roobkii deyrta ahaa ka da’ay dalagyada kala duwan ee beeruhu is qabsadeen, wabiga shabeelle ayaa qarka maraya oo buux dhaafey, maalmo aan fageyn ayey aheyd markii aan wax ka dajiney mashruuca dib u habeynta biyo xireenadii hore dayactirkooda waxaa la rajeynayaa in dhawaan xariga laga jaro mashaariic ay ku baxeyso lacag fara badan laguna hirgelinayo biyo xireenno cusub si beeraleyda iyo wax soosaarkooda loo hormariyo. Saacado safar ah kadib waxaa goor barqa ah qoraxduna soo kululaaneyso soo gaarney Jalalaqsi, Waxaana albaabada naloo furay Beertii Abdinaasir oo Cambuhu adigoo hoos maraya madaxa kaaga soo daadanayo. Soo dhaweyn iyo marxabeyn kadib sheekooyin iyo xifaalo ayaaan qadadii ku suganey.

Raga wada socda oo ree Hiraaan iyo Ree Mudug kala ah hadana kaftanku waa isugu baxayaa. Caanageel oo maalmo kadib aqalgalkiisa ay tahey ayaa is xasuusiney inaan si kedis ah uga qeyb galno xaflada asaga oo aan fileyn waloow ay ka dhaceyso magaalada Marka hadan waxaa moodaa iney tahey fursad kale oo aan gobolka shabeelaha hoose kusoo dalxiisno. Markaas ayaan u carrawnay dhinacaa iyo Beledweyne oo qorshaheenu yahey inaan caaawa ku hoyano, heestii Beledweyn ayaa daaran Ceyroow oo jalaqsi naga soo raacey ayaana la wareegey koontaroolka sheekada waloow aysan jaceylka isku fiicneyn hadana waa waaya arag oo wuxuu hayaa sheekooyin badan oo jaceyl hadba mid ayu uku tuurayaa tii abwaan Hadraawi iyo Beerlula waa lagama sheekeeyaan oo heesta ayaa sharxaad ku filan qofkastana waa hayaa.


No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...