Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika waa geyi leh oo qani ku ah hiddaha Islaamka ayada oo qarniyo badan kahor diinta islaamku soo gaartey. Fidinta diinta Islaamka ee gobolka waxaa laga soo billaabaa qarnigii 7aad oo ay saameyn ku yeesheen shabakadaha ganacsiga iyo ganacsatada Carabta. Muddo ka dib, Islaamku wuxuu si qoto dheer ugu dhex milmay bulshada Soomaaliyeed wuxuuna qaabeeyey dhaqankeeda, sharcigeeda iyo qaab-dhismeedkeeda bulsho. Inta badan dadka Soomaaliyeed waa muslimiin sunni ah oo ku abtirsada madhabka Shaaficiga.
Soomaaliya waa umad isku mid ah diin ahaan, laakiin waxaa jira diimo kala duwan oo deris la ah; Diimahaas waxa ka mid ah bulshooyinka Kiristaan ah oo si fiican u dhisan sida Xabashida. Xidhiidhka ka dhexeeya labadan ummadood mar walba ma ahayn mid wanaagsan. Isku dhacyada labada quwadood ayaa inta badan ka dhasha xiisado diimeed, siyaasadeed iyo kuwo dhuleed. Mid ka mid ah tusaalahaas waxaa laga arki karaa Dagaalkii Xabashida iyo saldanadii Cadal (1529-1543). Dagaalkaas oo uu Imaam Axmed Gurey ahaa hoggaamiyaha Muslimiinta Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Imam Ahmed hoggaaminayey Saldanadii Adal kuwaas halgan dheer la galey boqortooyooyinkii Itoobiya (Xabashida). Nolosha hoggaamiyahan iyo tafaasiisha dagaaladaas ayaa xambaarsan casharro waaweyn.
Waa kuma Ahmed Gurey?
Qarnigii 16aad, Axmed b. Ibraahim Al-Gaazi oo ku magac dheer Axmed Gurey, waxa uu ku dhashay magaalada Saylac ee Soomaaliya. Waxa uu ku soo barbaaray Harar, waxaana lagu naanaysi jiray “Gurey”. Axmed Gurey wuxuu ahaa nin aad ugu ad-adag diinta islaamka isagoo xubin ka ah dariiqada suufiyada Qaadiriyada, caqiidadiisa waxa ay ahayd arrinta qaabaysay yoolkiisa diineed iyo midkiisa ciidanba.
Imaam Gurey wuxuu ka mid ahaa askartii fardooleyda ee Garaad Abwaan. Mudadaas waxa uu dhidibbada u taagay hogaankiisa oo uu soo bandhigay awoodiisa ciidan. Geeridii Garaad Abwan iyo burburkii Saldanadii Adal ee dagaaladii sokeeye ee 1517, Axmed Gurey waxa uu noqday hogaamiye awood badan oo ka mid ah salaadiinta Adal, Laguma yaqaan oo kaliya xeeladaha ciidan, laakiin sidoo kale waxaa lagu yaqaanaa soo jiidasho iyo karti hogaamineed, Iyada oo ujeeddadiisu ahayd fidinta diinta Islaamka, waxuu xoogga saaray fidinta islaamka.
Axmed Gurey waxa uu u taagan yahay shaqsi muhiim ah oo taariikhda Soomaaliya raad ku leh. Waxaa la aaminsan yahay in u dagaalankiisa diinta, kartidiisa hoggaamineed iyo xeeladaha ciidan ay ka dhigeen mid lama ilaawaan ah. Wuxuu geeriyoodey 1543-kii, guushii Axmed Gurey ee taariikhda gobolka ku suntan waxay ahayd doorkii uu ka qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Adal ee dhacay intii u dhaxaysay 1529 iyo 1543kii.
Dhaxalkii Imaam Gurey
Geerida Ahmet Gurey waxay dhabar jab weyn ku noqotay dhaqdhaqaaqii mujaahidiinta. Geeridii Imaam Axmad waxay saameyn joogta ah ku yeelatay Saldanadda Adal, maadaama dhawaan la dhisay Saldanada Adal si looga gudbo khilaafaadyada qabaa’ilka. Madaxdii isaga ka danbeysey waxaa ku adkaatey in ay awood u yeelaan qabaa’ilka muslimiinta ee reer guuraaga ah, saameynta dowlad goboleedka Adal ayaa inta badan ku soo ururtay hareeraha magaalada Harar. Geeridiisii kadib, boqortooyooyinkii Muslimka ahaa ee Soomaaliya waxay la kulmeen khilaafyo gudaha ah iyo loolan dhanka awoodda ah. Maqnaanshaha shaqsi mideeya sida Axmed Gurey oo kale ayaa wiiqday awooddoodii wadareed, muddo kadib waxay lumiyeen awoodii ay kala hortagi jireen ciidamada Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida Muslimka ah waxay ku guulaysteen inay diintooda iyo dhaqankooda ku ilaashadaan. Isku soo wada duuboo halgankii Imaam Axmed Gurey ayaa muujinaya sida ay uga go’nayd inuu difaaco mabaadi’da Islaamka iyo ilaalinta qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Hogaamiye aragti fog iyo xeelad ciidan oo istiraatijiyad ku dhisan leh.
Gabagabdii Halgankii Imaam Ahmed Gurey ayaa astaan u ah caqiiqada toosan ee hogaamiyaha iney dhaxalsiin karto ku guuleysiga halgankasta oo u uku difaacato diinta islaamka iyo jiritaanka ummadda uu kasoo jeedo.
No comments:
Post a Comment