Wednesday, 6 September 2023

Socdaalkii Udugga Xoriyadda Qaybta 3aad

 



Salaadii Maqrib kadib dhalinyaradii qeyb kamid  ah waxey u dhaqaaqeen qaraabo salaan, raga qayb kamid ahna waxey luga baxsi iyo indho indheyn u aadeen  wadooyinka Magaalada. Guud ahaan geyiga Soomaaliyeed muuqa guud waa ka simanyahey oo magaalooyinka qaarkood in la kala saaro ayaa adag, dhinaca kale gobollada koofureed waxaa badan in guryaha laga dhisto dhirta taas badelkeed qaybaha Bari iyo Waqooyi ee dalka waxaa inta badan guryaha laga dhisaa dhagaxa nuucyadiisa kala duwan, inkastoo sanadihii dambe shirkado badan oo isticmaala habab kala duwan oo casri ah ay dalka kusoo badanayeen. Ceyrintii Shabaab waxey dhaxalsiisey umadda Soomaliyeed baraarug aad u badan, deegaano beri-samaadkii ahaa kuwa ugu hormarsan dalka iyo deegaano xeebaha ku hareeraysan oo hagardaamadii Shabaab dib u dhac balaaran u geysatay ayaa hada hormar la taaban karo ka muuqdaa, taasoo ah hididiilo muujineysa in hagardaamadii cadawga laga soo kabtay. Qiyaastii muddo laba saacadood oo socod ah kadib Buulabarde waxey nagu noqotay ashqaraar.

Inta badan xilligii caruurnimada waxaan ku xusuusanaa in goobo gaar ah oo caruurta lagu ciyaarsiiyo kuwaas oo loogu tala galey iney ilmuhu waqtigooda firaaqada ku qaataan aysan jirin sidaas darteed carrurtu ay inta badan ku ciyaari jireen jirdiimada iyo wadooyinka xaafadaha ayna ka dhalan jirtey  iney ku wax yeeloobaan shilalka baabuurta balse hada is badel badan ayaa ka jira dhankaas waxay indhahayagu qabteen goobo casri ah oo loogu tala galey maaweelinta caruurta ayadoo ay wehliyaan waalidkii dhalay. Masaajidka Jaamica ah ee magaalada goordhaw ayaa la dayac tirey, kadib burbur ay u geysteen kooxdii gabalkeedu dhacay, dad badan ayaa ku tukanaya, dad sideena oo kale socoto ah ayaa kamid ah, waxey hadba dhinac ka eegayaan masjidka oo si casriyeysan loo dhisey, lagu soo kordhiyey maktabad kitaabaha lagu daalacdo, qeybaha gadaale waxaa laga hir geliyey machadka barashada diinta islaamka ayadoo loo sameeyay qayb hoy u ah ardeyda wax ku barata halkaas, waxyaabaha cajiibka ah ee uu la gaarka yahey masjidkaan waxaa kamid ah in banaanka masjidka laga hirgeliyey meelo ay ku nastaan dadka waayeeelka ah iyo guryo degaan u ah musaafirka, waxaa ka agdhaw goob ay ilmuhu wiifoow ku dheelaan, sidaas darteed ayuu masjidku buuxaa dhamaan salaadaha Jamaacada ah ayadoo bulshada qaybeheeda kala duwan oo aysan caruurtu ka  maqneyn ay soo buux dhaafiyaan.

Caruurtu inta ay yaryihiin in diinta lagu ababiyo, masaajida loo kaxeeyo marka laga soo tago in diinteena suuban ay si weyn u amaantay waa dhaqan waalidiiinta Soomaaliyeed ay aad xoog u saareen balse waxaa dhacda mararka qaar in is faham waa dhex mara caruurta iyo khaadimiinta ay ka dhalato in aan loo ogolaan imaanshaha Masaajidka marka ay kaligood yihiin, waloow ay jiraan khaadimiin aad usoo dhaweeya caruurta kuna baraarujiya  imaanshaha guriga alle SW, taas oo door muhiim ah ka qaadata usoo hiloobidooda Masaajidka.

Subixii xigay waxaan u amba baxney magaalada Marka, Tareenka dheereeya, oo saacadii jaraya in ka badan 290km ayaan raacney waxaan socdaal u nahey magaalada Marka sadex maalin oo kaliya ayaa ka hartay aqalka galka saaxiibkeen, dhaqamada aqal galka iyo guri-geynta gobolada Soomaaliyeed way kala duwanyihiin, ciyaaraha iyo baraanburada lagu soo bandhigo sidoo kale farqi ayaa u dhexeeya, taas oo ka marag kacaysa dhaqanka mugga iyo miisaanka leh ee umadda Soomaaliyeed. qiyaastii afar saacadood kadib waxaan soo gaarney Marka, Imaansheheenna Marka cadey kadib sidii caadada ahayd waxaan socod iyo indha indheyn ugu dhaqaaqney gudaha magaalada, sida la wada ogsoonyahey Marka waa magaalo leh taariikh qoto dheer, magaalo xeebeed 90km u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Waa magaalo madaxda gobolka Shabeelaha Hoose, waxeyna caan ku tahey taariikhda iyo ilbaxnimada dadka degan taas oo laga dheehan karo kala duwanaansho qurux ku suntan. Waaa magaalo caan ku ah farsamada, iyo wax soo saarka dharka iyo kabaha, waxaa looga hadlaa lahjada kala duwan laakiin qofkasts oo jooga waa yaqaan lahjadda “maxaa tiri” taas oo fududeysa wada xiriirka bulshada. Mida aan u dhararsanahey ayaa ah habka dhaqanka aroosyada ee Shabeelaha Hoose gaar ahaan Marka cadey. “Saaxiibkeen Ciise Geel Qale horay ayuu xaflado aroos oo badan xalwad uga soo cunay balse maanta waaa maalinkii asaga laga cuni lahaa” ayuu yiri Xaashi oo qamiiskii uu caawey ku wacdin lahaa ka gorgorinaya maamo huudhey ay banaanka uwarantahey. Magaalada Marka waxey kamid tahey magaalooyinka Shabaab laga saarey xilli hore oo kuma raagin gacanta dhagar qabayaasha si lamid ah Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo, balse hareeraheeda oo shabaab u aheyd maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dhaqaaalaha umadda Soomaaliyeed ku uruursadaan ayaa gebi ahaanba cagta la mariyey, mashaariic aad u fara badan ayey xukuumaddu iyo maamul goboleedka oo iskaashanaya ka wadaan hareeraha xeebta iyo gudaha magaalada.

..................................

Kadib baaritaan muddo socdey waxaa la xaqiijiyey in la bilaabayo qodidda Shidaalka, maraakiibtii baaritaanka sameeysay ayaa Turki ga dib ugu laabtay, hishiisyo hordhac oo lala galey shirkadihii qodi lahaa Shidaalka ayaa lala wadaagey gudiga Tamarta macdanta iyo Shidaalka u qaabilsan golaha Shacabka, waxaa muuqata rajo Wayn oo ah in dalku uu gaaro isku filnaasho cunto iyo mid dhaqaale. Dhanka kale waxaan meel wanaagsan maraya dhamaysitka Dekadda Hobyo...........

 

No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...