Monday, 5 February 2024

Suufinimada iyo Feminism ka maxaa xiriir ah oo ka dhaxeyn kara?



Sanadihii ugu dambeeyay waxaa jirey doodo ku dhisan xiriirka togan ee ka dhexeeya Suufinimada iyo Femisimka, waxaa jira cilmibaarisyo dhinacyo kala duwan taabanaya kuwaas oo ka hadlaya mawduucaan. Waa macquul inaad baraha bulshada ku aragtay dumar Sufi-Feminist ah.  Waxaa jira gabdho Islamic feminist ah kuwaas oo doodoodu ku qotonto u doodidda xuquuqda dumarka si waafaqsan Diinta Islaamka.

December, 2013 Maqaaal uu qorey wargeyska The Nation waxaa ciwaan looga dhigey " The Rising of the Islamic Feminist" ( Muslim womem are fighting for their rights from Within Islamic Tradition, rather than against it). Mudo farabadan waxaa jirey dumar badan oo ku wareeray iney kala doortaan u hogaansamidda diintooda suuban iyo ka tanaasulka fikradooda ah sinaanta ( Gender equality), waxey ahayd dookh aad u adag marka la fiiriyo ka tanaasulka midkood  waxa ay aaminsanyihiin oo ah diinta iyo fikradooda ah in loo baahanyahey Sinnaanta raga iyo dumarka meelaha qaar ilaa uu sanadkii 2009 soo baxey kacdoonkii Musaawah (Equality) kaas oo dumarka ku dhiirigelinaya iney u dagaalami karaan cadaalada ayagoo cuskanaya diintooda.

Suufinimada qeexitaano badan baa loo sameeyaa, suufinimadu waa hawlgal iyo habdhaqan qofkuu sameeyo si uu uga dhabeeyo dhamaystirnaan akhlaaqeed, garashada xaqiiqada ah iyo baraare ruuxi ah.

"Suufinimada waa kasmada lagu barto culidda nafta iyo sifaynta akhlaaqda" Culumada islaamka ayaa sidoo kale Suufinimada ku macneeyay " Ku dhegganaanshaha akhlaaqda Eebbe faray".

"Tasawufka waa adaabta", "Tasawufka waa ilaalinta nafta iyo daahirinta qalbiya"

Dr.Nayla Tabbara markii ay qoraysay hordhaca cutubkeeda "What can sufism and Feminism Learn from each Other" ee buuga ( Sufism Today) ay ku sheegtay in markii loosoo bandhigey qorista cutubkaan ay ku fakartay iney iska diido balse markii dambe ay goaansatey iney aqbasho maadaama ay ka shaqayso labadaan mawduuc ee isa saaran ee Islamic Femisim and sufisim.

Inta badan dumarka Soomaalidu kuma badna Islamic- Feminism, waxey weli ku dhaganyihiin fikradihii Feminismka ee soo shaac baxey qarnigii 20aad. Maxey kula tahey adiga?

No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...