QUR’AANKA IYO SUNNADA AYAA LAGU GAARAA XAQIIQADA DHAMAYSTIRAN…
Si qof Muslimka ah u gaaro derajada ah “Insaan dhameystiran”, midkamid ah hiigisyada Islaamka, waxaa lagama maarmaan ah in xaqiiqda diineed la fahmo oo lagu noolaado iyada oo la isku dheelitirayo jirka iyo ruuxda, muuqaalka iyo gudaha, caqliga iyo qalbiga, qaab dhismeedka iyo nuxurka.
Tasawufka dhabta ahi waa dadaalka lagu fahmayo oo lagu noolaanayo Islaamka, iyada oo la hormarinayo laba qaybood: muuqaalka iyo gudaha (Daahirka iyo Baadinka). Tan waxaa lagu xaqiijiyaa iyada oo lagu socdo waddo mideysa “Sharciga, dariiqada, xaqiiqada iyo macrifada,” taasoo ka tarjumeysa fahamka Islaamka si buuxda.
Qofka rumeeya ee ku socda dariiqa xaqa, intuu horumar ka gaarayo socdaalkiisa nafsadeed ee u dhexeeya “iimaanka iyo ixsaanka,” wuxuu helayaa feejignaan, dareen qoto dheer, iyo fahamka dhabta ah ee nolosha.
MAXAA LAGU GAARAA TASAWUFKA?
Waa farshaxanka ogaanshaha qalbiga.
Waa dariiqa lagu gaaro “ixsaanka” iyada oo la dareemayo in Ilaahay SW ku daalacanayo waqti kasta.
Waa barbaarin ruuxeed oo nafta lagu xakameeyo, ruuxdana lagu horumariyo.
Waa dariiqada saxda ah ee ay hagayaan dadka dhaxlay Sunnada Nabiga.
HADABA MAXAA TASAWUF AHAAN KARIN?
Tasawufku waa in aan laga fogaan Qur’aanka iyo Sunnada.
Waa in aan loo ogolaan in cibaadada iyo dhaqanka wanaagsan ay ku milmaan daneysi ama dhaqamada ka hor imanaya sharciga Islaamka.
GUNTA HADALKA: Tasawufka dhabta waa cabir nololeed kaas oo laga soo qalin daarey Qur’aanka iyo Sunnada, laguna dabaqayo nolosha oo dhan, laga soo billaabo cibaadada ilaa dhaqamada bulshada. Waa jid lagu gaarayo dhameystir nafsadeed iyo mid ruuxeedoo saafi ah si qofku ugu noolaado raalli ahaanshaha Ilaahay SW.
DHAMMAADKA: Rabbi ha naga dhigo kuwo ku nool ixsaanka iyo xusuusta joogtada ah ee Ilaahay. Qalbiyadeenna ha u iftiimiyo nuurka, macrifada iyo jacaylka Eebbe, hana noo sugo nolol diineed oo qurux badan.
Aamiin!
Tixraac: عثمان نوري طوباش، "التصوف مجاهدة المسلم نفسه
Tixraac: Osman Nûri Topbaş, Müslümanın Kendisiyle İmtihanında TASAVVUF