Friday, 4 November 2022

Fidinta Diinta Islaamka iyo Kaalintii Dhalinyarada


 

Diinteena barakeysan waxey ku barwaaqowday quluubta dhalinyarada. Markey muslimiin noqdeen qaarkood weliba intooda badan ma gaarin da’da 20 jir. Ayagoo da’yar ayaa dhibaatooyin badan loogu geystay iney ilaaahey SW  rumeeyeen. Ayagoo dhalinyar ayey qeyb libaax ka qaateen jihaadka iyo faafinta culuumta islaamka. Dedaalkii jaceylka iyo nafhurka isugu jirey oo ay ugu adeegeen diintooda ayaa iftiimiyey magaalooyin iyo wadamo uu hareeyey jahli iyo iimaan la’aan.

Tusaale ahaan Ali Ibnu Abii Daalib RC markii uu islaamka aqbalay wuxuu ahaa10 sano jir. Sidoo kale adoonkii uu nebigu xoreeyay ee Zeyd Ibnu Xaaritha RC markuu islaamey wuxuu ahaa 15 sano jir. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo jaceyka uu u qabo nebiga NNKH  isku dayay in uu ka difaaco oo isku dhigo dhagixii loo wadey nebiga NNKH, wiilka 15 jirka ha maanta jaceyl nuuce ah ayuu raadaceeya.

Abdullhi Ibnu Omar Markii uu islaamayey wuxuu ahaa 10 sano jir, markii uu13 sano jir ahaa wuxuu ku haminayey inuu ka qeyb qaato dagaalkii Uxud balse da’diisa oo yareyd awgeed nabiga SCW ma uusan u fasixin, Wuxuu kamid noqdey saxaabadii ugu waaweyneyd ee diinteena suuban u adeeegtay, wuxuu noqdey saxaabiga labaad ee ugu xadiith warinta badan. Dhalinyarada da’diisa oo kale ah maanta maxey ku fakarayaan iney noqdaan halkee ayeyse rajeynayaan iney gaaraan.

Jacfar Ibnu Abii Daalib markii uu ku shahiidey dagaalki Mu’tah wuxuu ah 35 jir, taas macnaheedu markii uu ula hijroodey muslimiinta dhulka Xabashida ee uu sida xikmada iyo geesinimada ku dheehantahay ula hadley boqorkii Nejaashi si aan musliinta loogu wareejin Qureysh wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo da’aadda 17 jirka ah.

Abdullah bin Mas’uud iyo Zubeyr bin Awam waxey islaameen ayagoo 16 jiro ah sidoo kale Abdirahman bin Awf Iyo Sacad bin abii waqaas waxey ku islaameen da’da 17 jirka.

Anas bin Maalik (RC) ayaa laga wariyey; Nabiga SCW iyo saxaabada markii Medina soo galayeen saxaabada kuma jirin qof gar iyo timo ciro leh marka laga reebo Abuu Bakar (RC).

Tarjumaanka quraanka, caalimkii islaamka Abdullahi Ibnu Abbaas markii uu rasuulka geeriyoonayey wuxuu ahaa 13 sano jir.

Caaisha (RC) markii uu rasuulku SCW geeriyoodey aad bey u da’ yareyd sidaas oo ay tahay waa midkamida saxaabada ugu warinta badan axaadiithta nabiga, waxey aheyd midkamida fuqahadii saxaabada.

Gebagebadii Nebiga SCW fidinta iyo barida diinta wuxuu fursad weyn u siiyey dhalinyarada. Qofka marka uu dhalinyarada yahay waxaa ku jira enerji aad u badan kaas oo suurtagelin kara badbaadinta bulshada uu ku dhex noolyahay hadii uu u isticmaalo sidii saxda aheyd, taas waxaa daliil u ah tusaaleyaasha qiimaha badan ee aan kor ku xusay, saxaabadii sharafta badnaa ayagoo dhalinyar markii ay awodoodii, caqligoodii iyo cilmigoodii wadadii saxda aheyd u isticmaaleen waxey ku guuleysteen iney dunida kale gaarsiiyaan nuurkii ilaahey usoo dhiibey rasuulkiisa sharfta mudan.

Mucaad bin Jabal asagoo 21 jir ah ayaa rasuulka SCW u direy Yemen si uu dadka diinta u baro. Usaama bin Zeyd asagoo aad u dhalinyar ayaa loo dhiibey calanka muslimiinta si uu u hogaamiyo ciidanka muslimiinta. Rasuulka NNKH dhalinyaradii saxaabada wuxuu ku barbaariyey wadadii ugu saxneyd.

 

No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...