Wadan uu gebi ahaanba burburay dhaqankiisa, bulshada caqligeediina uu guurey. Jahliga iyo aqoon la”aantuna ay noqotey mid sii siyaadeysa maalinba mida ka damebysa. Bulshaduna ay ka dhimatey Akhlaaq, fikir iyo dhaqaale intaba. Bani aadamku waa midka ugu qiimaha badan noolaha oo dhan, aduunyada waxkasta waxa hormariya dadka sida sida sayniska, artska, teknoolojiyada, dhamaan waxyaabahas oo dhan si bani aadamku ugu noolaado amni iyo nolol qurux oo farxad leh waa in la hormariya. Bani aadamku waa inuu ka shaqeeya sidii uu u gaarsiin lahaa maalmo qurux badan.
Awoodda, midnimada iyo hormarinta bulshada, haggida iyo toosinta nidaamyada asaasiga ah maahan wax ay dhidibada u taagi karaan kaliya dadka madaxda ka ah dawladaha. Madaxda, ha noqdaan kuwa fiican ama kuwa aan fiicaneen, geesiyaal dadkooda nafta u hura ama kuwa ayaga baabi’iya marnaba kaligood wadan burbur dhankasta ah la daalaadhacaya kor uma soo qaadi karaan. Madaxdu meel kale kama imaan isla bulshadaas ayey ka dhesheen kuna dhex barbaareen. Bulsho sida ayadu ay tahay ayey madaxdeeduna noqotaa, horey ayaa loo yiri bulsho kasta dadkii hogaan ka u noqon lahaa ayada ayaa dhasha.
Waqtiba waqtiga ka dambeeya jiilashu wey is badalaan. Jiilkasta naftiisa fikrado cusub, oraaahyo cusub, baahiyo iyo dalabyo cusub ayuu soo kordhiyaa. Hadii jiilalka mustaqbalka iyo dhalinyarada aan la baxnaanin oo sidii geed duurka ka baxaya oo kale faraha laga qaado waxaa dhameynaya cawska ajnabiga ah. Aabeyaasha iyo hooyooyinka hadii aysan ilmaha maskaxdooda iyo caqligooda hormarin oo ay sidaas ku dhaafaan waxey lasoo bixi doonaan fikrado iyo dhaqamo aan u cuntamin bulshada ay la noolyihiin.
Baraarugsanaantu maahan inaad xiratid dhar qurxoon, koofi casri ah iyo kabo dhalaalaya. Waa in bulshada aad ku dhex nooshahay aad saameyn ku yeelatid, hadii ay ahaan laheyd aqris iyo qoraal, hormarinta caqliga, wacyiga iyo hab dhaqankoodaba.
Taariikhda bulshooyin badan ayaa yimid hadana tagey, xumaantii ay aheyd inaa iska reebaan markii ay ka caajiseen indhahana ka daboosheen ugu dambeyn waxey marqaati ka noqdeen burbur bulsheed oo aysan waxba ka qaban karin. Aniga bulshada in mugdiga iyo hurdada laga soo talaabiyo oo iftiin iyo hormar loosoo talaabiyo ayaan idinku wacayaa. Waxaan rabaa buugeyga cutubkasta oo kamid ah, boga ugu dambeeya dhamaadkiisa markii aad aqrineysid inaa midaan xasuustaanid. Nolosha waxyaabaha ay tahay inaan qabatid goorma ayaa bilaabeysa. Adinka gabdho iyo wiilal, nolosha deynta la idinku leeyahay goorma ayaa gudeysaan.
Grigory Petrov
No comments:
Post a Comment