Friday, 30 December 2022

Dabaaldegga Sanadka Cusub

 


 

Taariikh ahaan umaddaha islaamku waxyaabo badan oo ay lahaayeen ayey si fudud ku lumiyeen tusaale ahaan hab dhaqanka, hab fakarka iyo hab noolaanshaha, waxaaana booskooda galey qaabab naloogu sheegay iney yihiin casri oo ay tahey inaan dabaqno kadib markaan ka tagney kuwii aan laheyn.

 

Sanadka cusub ee miilaadiga ah markuu bilowdo midkalana uu dhamaado waxaad u sii dhawaanaysid waa qabri cimrigaagiina waa sii gaabanayaa, waxyaabaha ay tahey inaa is weydiisid waxaa kamid ah; muxuu cimrigaagii ku tagay sanadkii dhamaadey, maxaad enerjigaagii u isticmaashey ma wado saxan mise mid aan saxneyn, qorshayaashii aad laheyd sanadkii hore maxaa kaaga hirgaley maxaase ka hirgali waayey, sababtuna maxey tahey, qorshayaashaadu ma ahaayeen kuwa aduunkaaga iyo aakhiradaada nacfi u leh mise maya, sanadka soo socda maxaad u diyaarsatey, kii hore ee tagey maxaad rabtaa inuu kaga duwanaado, mise waxaa rabtaa kaliya inaa gallerygaaga ku sagoositsid kuna soo dhaweysid, Sanadkii tagay xasuuso dad aad taqaanay oo hadda qabriga jiifa ma iswaydiisay xageebay dadkaas  aadeen? Su'aalahaas iyo kuwa lamid ah miyaa qofka muslimkaa ee caaqilka ah horyaal inuu is weydiiyo mise inuu sawir diyaarsan inta soo tuuro yiraahdo happy new year.....

 

Hadii aan is weydiino, waa maxey sababta aan ugu dabaaldegeyno dhalashada sanadka cusub? Tolow maxey noqoneysaa jawaabteedu…. Qofba aragti ayuu ka qabi karaa, adinka ayaana idiin dhaafey.

 

Inkastoo oo aan la ogeyn xilliga saxda ah, haddana maalintii dhalashada Nabi Ciise CS ayey sheegaan iney tahey 25kii Disember. Balse kaniisadihii kala duwanaa taariikhaan kuma aysan midoobin waxeyna qaateen taariikho kala duwan. Santa Claus, oo sidoo kale loo yaqaan Aabaha Christmaska, Saint Nicholas, Saint Nick, Kris Kringle, ama si fudud Santa waa astaan taariikheed aad caan uga ah kirishtanka dhexdiisa. Santa waxaa guud ahaan lagu sawiraa sida nin cajiib ah, oo gar cad, badanaa wuxuu leeyahay muuqaalo, isagoo xiran jaakad gaduudan oo  qoorta ku leh dhogor cad iyo gloves, suun gaduudan, iyo kabo madow, sitana kartoon ay ka buuxaan hadiyado loogu talagalay carruurta. Muddo kadib waxaa la badeley taariihda Santa, waxaa laga sameeyey sheekooyin badan waxaana lagu dhex darey xuska dhalashada Nebi Ciise  oo laatiin ahaan loo yaqaan Noel ka, waxaa markii u horeysay qarnigii 17aad Germany lagu xusey xaflada chrismaska ee sanadka cusub si tartiib ah ayeynaa ugu faafey dunidii kale ee kirishtanka.

Marka taas laga soo tago waxaa jirta in Kirishtanku aysan ummadda muslimiinta ah u isticmaalin si ay kirishtanka ugugu yeeraan iney siiyaan kitaabkooda ama katiinadaha ay xirtaan taas badalkeeda ay isticmaalaan falsafado kale sida iney fariimahooda kusoo gudbiyaan filimaanta, barnaamijyada telefeshinada, tusaale ahaan Santa oo ku caaan baxey inuu yahey astaan caawinaad iyo gargaar bani aadanimo fidisa. Hadiia an dib u fiirino agabyada ay caruurtu ku cayaaraan ama meelaha qaarkood filimaanta loogu tala galey caruurta iyo wixii lamid ah waxaa ku arki kartaa iney ugu soo laabisaan characterska jilaya Astaamihii uu lahaa Santa, waxaa suurtagal ah in cunuga daawadey filim kartoonka ah ee Santa uu jeclaado qaab labiskiisa kedibna waalidkiis suuqa uga soo iibiyeen ayagoon war u heyn macna ahaanna waxa uu ka turjumayo. 

Waxey taas tusineysaa in badi fariimaha la gudbinayo dhaqaalaha faraha bandanna uu ku baxayo ay ku socdaan wado ay ku guuleysteen oo ah iney ayaga oo aan kugu tashkiilin kusoo biiridda kirishtanka ay ku gaarsiiyeen heer aad sidooda kale u labisato, ilamahana loogu labiso. Weriye ayaa suaal weydiiyey Raiisul wasaarihii Israil Shimon Peres “Quraanka keriimka ah ayaa inoo sheegaya in dowladdiinnu baabbi'i doonto?” Wuxuu ku jawaaabey Peres "Muslimiinta quraanka ku xusan ha yimaadeen, kuwa halaagi doona dowlideenna! Markaas ayaanu ka fikiri doonnaa." Taas oo ah in Muslimiinta nucaas ahi maanta aysan joogin, si aysan u dhalanna ay dedaalkasta geliyeen uguna jiraaan, hadii ay soo baxaanna ay ogyihiin waxa ay kala kulmi karaan oo ah sida quraanku noo sheegay asaguna uusan inkirsaneen. Maanta la joogo waxaa jira waxyaabo badan oo bulshooyinka muslimiinta ah ay nolol ahaan la qabsadeen, sameyntoodana ay noqotey wax aan aad cajiib u aheyn kuwaas oo sanado kahor ahaa waxyaabo qariib ah oo qofkii sameeya ama lagu maqlana aad loola yaabi jirey, ayadoo wadada casriyeynta ama ilbaxnimada naloosoo marayo ayaa lagu guuleysta inaan sidaas u noolaano....

No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...