01.11.2023
Kayseri
Qudus waxay muslimiinta ugu taal meel muhiim ah, waxaa ku yaala Masjid-al-Aqsa oo ah mid kamid ah 3 masaajid ee barakeysan kaasoo ku suntan qibladii muslimiinta kahor masjidka Xaramka. Muslimiinta reer Filistiin ee u dagaalamaya Qudus kaliya lama dagaalamayaan gumaysi, mana raadinayaan waddaniyad ama ujeeddooyin maaddi ah taas badelkeed waxey naftooda u hurayaan mabda’ ıyo caqiido ay aaminsanyihiin iyo Jacaylka magaalada Barakaysan taas oo muqadas u ah Muslimiinta. Muslimiintu way ixtiraamaan dhammaan Anbiyada ilaahey soo direy, sidoo kale way xushmeeyaan Yuhuuda iyo Kiristaanka taas si lamid ah ilaalinta meelaha la ciseeyo ayaa iyaguna laf-dhabar u ah hab-dhaqanka Islaamka.
Dhulka Filistiin waxaa ku aasan qaar ka mid ah nafaha ugu sharafta badan ee koonkaan ilaahey usoo direy. Qabriyada nabiyaal badan baa ku jira Filistiin, oo ay ka mid yihiin Ibraahim Calayhi Salaam, Yacquub Calayhis Salaam, Isxaaq [csw], sida ay qabaan mufasiriinta qaar waxaa ku aasan ku dhawaad 100 kamid ah anbiyada ilaahey. Falastiin waxaa sidoo kale ku yaala qubuurta qaar ka mid ah saxaabadii ugu dhawaa Nabiga SCW sida Ubada ibn al Saamit, Shaddad ibn Aws ibn Thabit al Ansari iyo Tamim al Dari.
Dagaalkii Yarmuuk ka dib ciidamadii Muslimiinta ee uu hoggaaminayey Abuu Cubeydah caamir ibnu Jarrah waxay hareereeyeen magaalada Qudus. Dadka deegaanka waxay ogolaadeen inay isdhiibaan shuruud ah in Khaliifka islaamka Cumar bin Khaddaab uu yimaado. Amiirul Muminiin Cumar Bin Khadaab waxa uu u safray falastiin waxa uuna si rasmi ah u qaatay furayaasha magaalada 637-dii AD. Markii uu yimid, waxaaa hana qaadey heshiiskii nabadeed ee caanka ahaa ee uu la galay dadka magaalada Qudduuska ah, Taasi waxay albaabada u furtay Yuhuuda oo kumanaan sano loo diiday inay galaan ay markii ugu horeysay ay galeen Qudus oo ay Muslimiintu maamulaan run ahaantii waxay noqotay magaalo u furan dhammaan saddexda diimood.
Sanadku markuu ahaa1967 waxaa dhulka filistiin laga bilaabey aas aasida dawladda yahuudi ah oo loogu magac darey Israil, marka laga soo tago dhagarta iyo qabsashada dhul ee yahuuddu la daba taagantahey bulshada reer Filistiin waxaa intaas usii dheeraa xasuuq aan kala sooc laheyn oo lagu haayo dadka halkaas ku dhaqan ayada oo aan loo kala sooceyn caruur, dumar, waayeel iyo dhalinyaro. Majirto maalin aysan dadka reer Filistiin oogin janaaso qof sababsadey gacanta Israil. Midkamid ah caruurta reer Filistiin ayaa hadalkiisa waxaa kamid ahaa “ Hadaa nahey bulshada reer Filistiin maalintii waxaan tukanaa 6 salaadood, Shanta waajibka ah iyo Janaaso”.
Israail ilaa iyo maanta waxyaabaha ka caawiyey iney awood iyo dhaqaale ahaan kobacdo, gumaadka ay ku hayso dadka reer Filistiinna laga hadli waayo waxaa kamid ah fikrada Zionisimka kaas oo ay aaminsanyihiin inta Dawladaha Christanka marka laga soo tago qolo yar oo Chatolic ah sida Italy, Columbia, South Africa iyo dawlada reer yurub oo aan tabar badan laheyn.
Reer Filistiin u diriri mayaan kaliya dhulkooda oo xoog lagu haysto ee waxey matalayaan qadiyad diimeed waxa kasoo horjeedana waa qadiyad diin salka ku haysa oo leh waxaa muqadas ah in la ilaaliyo jiritaanka Dawlada Yahuudi ah ama Israil. Joe Biden oo Israel yimid wuxuu leeyahey “Hadii aysan Israel jirin xitaa waxaan khasab nagu ah inaan Israel abuurno. Waxey horey gacanta ugu hayeen Mediaha caalamka intiisa badan waxey hada sidoo kale gacanta ku hayaan dhaqaalaha caalamka waxaa la dhihi karaa si qarsoon ayeyba Mareykanka la sheegayo gacanta ugu hayaan. Wadamada Islaamka iyo Kuwa Carabta cambaareyn iyo dhaleecayn mooyee hadalka kama soo yeerayo marka laga soo tago kooxaha Shiicada ah. Waxaa jira kooxo meel u fadhiya si ay caalamka ciyaar maskaxeed ugu maamulaan balse Muslimiintu ilaa ay fahmaan oo is garabsadaan hal dawlad iyo laba wadan oo baaq direy waxba ka badali maayaan xaaladaha taagan.
Madaxwaynaha Turkiga Recep Teyyib Erdogan ayaa midkamid ah khudbadiisa ka yiri “Hadaa aan lumino Qudus ma difaaci karno Mekka, Mediina, Istanbul, Qahira”. Hadalkaan oo micnihiisu yahey in hadii aan difaaci wayno Qudus ay hadal afka aan dhaafsiisneyn noqon doonto haybadda Islaamka. Ninka ku dhiiraday maanta xoog ku qaato Qudus beri layaab maahan inuu ku dhiirado inuu xoog ku qaato kacbada. Masjidul Aqsaa iyo Xaramku waa guryaha ilaahey muslimiintuna wakiil ayey alle uga yihiin sida makhluuquba dhulka wakiil uga yahey, alle SW wuu ilaalinayaa balse muslimiinta ayaa lagu imtixaanayaa, taas waxaa tusaale noogu filan qisadii Abraha kaas oo kusoo duuley Kacbada siu u u dumiyo, qisada oo si qoto dheer ay uga warameyso Suuratul Fiil. Nebiga SC awoowgiis Cabdul Mudalibu ayaa Abraha ugu jawaabey “Aniga geelayga isii Kacbadu waa guri allah, allah asaga ayaa kaa dhacsanaya”.
Habeenkasta oo Mugdi ah Subax ayaa ka dambeysa, Ilaahey idankiis Bulshada reer Filistiin way ka bixi doonaan dhibka wayna heli doonaan cadaalad…
No comments:
Post a Comment