Sooyaalka Qaniga ah ee Afka Soomaaliga
Ummad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran. Af-Soomaaligu waa luuqad lagaga hadlo deegaanka geeska Afrika halkaasi ooy ku dhaqan yihiin dadka Soomaalida ah kuwaas oo ka tirsan dowladaha kala duwan sida wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti, Deegaanka Soomaalida Ogadenia, Somalida ku dhaqan Waqooyi Galbeed iyo meelo kale oo ka mid ah Afrika iyo caalamka oo dhan. Tirakoobyada ayaa sheegaya in ugu yaraan dadka ku hadla luuqada Soomaaligu ay yihiin ilaa 25 milyan kuwaasi oo ku kala nool meelo badan oo dunida ah. Luuqada Soomaaliga ah waxaa lagu tiriyaa luuqadaha Kushiitiga loo yaqaan ee lagaga hadlo meelo badan oo geeska, badhtamaha iyo waqooyiga Afrika iyo Aasiya ah. Luuqada Soomaaliga o dadka u dhashay ugu yeedhaan Af Soomaali waxaa loo qoraa noocyo badan oo farshaxan iyo alfabeetyo ah, kuwaasi waxaa ugu isticmaal badan qaabka Somali Latin ee laga soo xigtey farta Laatiinka. Sida ku qoran dastuurka qabyada ah, Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga(May iyo Maxaa tiri). waxaan qoraalkaan ku eegi doonnaa heerarka kala duwan ee uu soo maray qaab qoraalka Af-Soomaaligu.
Hadaba waa sidee Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga
1920-kii ayey ahayd markii la soo bilaabay hindisaha qorista rasmiga ah ee afka Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro, Cusmaan Yusuf Keendiid oo ahaa gabyaa, qoraa, bare iyo hal-abuur Soomaaliyeed ayaa waxa uu soo saaray far lagu magacaabi jirey Farta Cismaaniya (πππππ πππππππππ) sanadii 1922-kii, fartaasi meelo kooban ayay ka shaqaysay, mana ahayn mid dalka ku wada baahday. Cusmaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo, ee ku taala bartamaha Soomaaliya. Cusmaan waxaa dhalay Suldaank Yuusuf Cali Keenadiid oo ahaa suladaan mar ka talin jirey Saldanadii Hobyo. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah waqtigiisa geliyey. Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo. Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta Far Soomaaliga, buugaag Juquraafi, Cilmi Fallaga, Sayniska, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.
1950-1960-kii, waxaa socdey dood ah sidii loo qori lahaa af-Soomaaliga, waa lagu kala aragti duwanaa rag badan ayaa dadaal sameeyay, waxaa lagu muran sanaa farta Carabiga mise laatiinka midii la qaadan lahaa inkastoo ay is weydiin mudantahey sababta aan doodad loogu darin nuucyadii kala duwanaa ee farta Soomaliga ee ay adeegsan jireen qabiilada iyo saladanihii wadanka ka jirey sida Farta Cismaaniyada, Farta Boorama, iyo Farta Kadarre. Ragga dadaalka badan geliyey hab qoraalka farta Soomaaliga waxaa ka mid ahaa Ibaahim Xaashi Maxamud iyo Xuseen Sheekh Axmed Kadare, dhamaan raggaasi waxaa ay soo saareen qoraalo farta ah intii u dhaxeysay sanadihii 1950-1961-dii. 1 Luulyo 1960-dii, markii dalka xuriyadda qaatay, Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatin ahayd, iyo faro kale sida Farta Wadaadka oo ah farta carabiga, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga. Guddigaasi wuxuu ahaa Guddi la magacaabay, 6 bilood gudahood, markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii. In la magacaabo guddiga waxaa loo maray bareere (Motion) Baarlamaanku ansixiyey, 16kii Sebtembar 1960, Kadibna Golaha Wasiirada go’aan ay gaareen 18kii Oktoober 1960, kadbina Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada ee xilligaas Cali GaraadJaamac wuxuu 8kii Disember 1960 soo saaray magacow 9 xubnood oo loo xilsaaray in ay soo baaraan, talana ka soo jeediyaan sidii Af-soomaaliga loo qori lahaa iyo farta ugu habboon.
Guddigaas waxaa loo soo gudbiyey 18 farood si ay dersaan oo ay u doortaan tan ugu habboon ee Af-soomaalia lagu qori karo. Farahaas oo kala ahaa: 4 ku qoran xuruuf carabi ah, 3 xuruuf laatiin ah ku qoran iyo 11 far soomaali, ay dad soomaali ahi alifeen. Muddo dhan lix bilood markii ay guddigu shaqaynayeen, dhibaato kastoo ay la kulmeenba, ugu dambeyn, 15kii May 1961, waxay soo saareen warbixin ballaaran oo ilaa 76-bog dhan. Taas oo ay si waafi ah uga dhex muuqto hawshii lixaadka lahayd ee Guddigaasi qabtay. Natiijadii ay gaareen oo ku soo bandhigeen Warbixintooda waxay ahayd, in In farta Laatiinka ah ee Shire Jaamac Axmed ay tahay tan 1aad ee ay ku talinayaan in af-somaaliga lagu qoro (Arag bogga 74aad ee Warbixinta Guddiga, Linguisti Report, 1961), waxayna sheegayaan sababta ay fartani ugu habboon tahay in la qaato, markii ay dhinac walba ka fiiriyeen. Guddigu waxay kaloo soo jeediyeen, in haddii farta Laatiinka la qaadan waayo, ay ku talinayaan in la qaato Farta Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, oo ahayd doorashadooda 2aad. Warbixinta UNESCO soo saartay Agoosto 1966 Paris, bogga 12aad waxay si qeexan ugu sheegaysaa; “In haddii Soomaaliya dooranayso in Af-soomaaliga lagu qoro far Laatiin ah, ay kula talinayaan in la qaato farta Shire Jaamac habeeyey ee Laatiinka ah” Sanadkii 1972 gudigi udanbeeyay ee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare u magacabay Qorista afka somaliga oo ka koobna 23 xubnood waxaa qayb weyn ka qaatay labadii Qoraa ee Soomaaliyeed Awjamac cumar Ciise iyo Qoraa Axmed Cali Abkor, waana gudigii goaamiyey qoraalka farta Soomaaliga ah ee manta la isticmaalo.
Hadaba hadii Soomaalidu ka guurto farta laatiinka oo loo guuro mid kamid ah faraha kala duwan ee ay alifeen hal abuurkii Soomaaliyeed waxey noqon doontaa iney la haadaan far qoraal u gaar ah sida bulshooyinka Hindida, Ruushka, Jayniiska, Itoobiyaanka iyo Indhayarta. Farta Cusmaaniyada oo ah far qaab ahaan hormarsan o oleh teebyo lagu qora weliba aad loo isticmaali jirey xiligii gumeysiga kana shaqaysay gobolo kala duwan oo dalka kamid ah ayaa ah far hadii lagu sameeyo hormarin iyo cilmibaaris matali Afka-Soomaaliga.
No comments:
Post a Comment