Friday, 18 November 2022

Izz ad-Din al-Qassam



Izz ad-Din Abd al-Qadar ibn Mustafa ibn Yusuf ibn Muhammad al-Qassam wuxuu ku dhashey magaalada Jableh taas oo dhacda woqooyi galbeed Suriya, aabihiis Abd al-Qadar wuxuu ahaa garsoore kamid ah garsoorayaashii Cusmaaniyiinta. Al-Qassam wuxuu ahaa Xanafi sunni islaamiya ah, wuxuu wax ku bartay masjidka Istambuli  waxaaana culumadii wax soo bartay kamid ahaa sheikh Salim Tayarah. wuxuu ahaa hogaamiye iyo mujaahid u dhashey dalka Suriya, wuxuu halgan la galey gumeysigii reer yurub sida Ingriiska iyo Faransiiska, wuxuu sidoo kale ahaa mid kasoo horjeeda fikirka Zionismka.

Al-Qassam wuxuu wax ku bartay jaamacada Al-azhar ee dalka Masar kadib waxbarashadiisa heerka jaamacadeed wuxuu dib ugu laabtay magaaladiisa Jableh halkaas oo uu ka bilaabey u dhaqdhaqaaqida arimaha islaamka iyo jihaadka xiliyadii ee cusmaaniyiinta. Wuxuu qeyb weyn ka qaatey dedaaladii lagu caawinayey dalka Liibiya oo sanadahaas ay soo galeen gumeysigii Talyaaniga, wuxuu ciidan iyo hub u aruurin ka bilaabey magaaladii uu joogey ee Jableh, maalin jumca ah khudbada kadib al-Qassam wuxuu ka istaagey masaajidka wuxuu jihaad lagu caaawinyo muslimiinta reer Libya ugu yeeray bulshada gaar ahaan wuxuu aruuriyey ciidamada qaatey tababarka Cusmaaniyiinta kuwaas oo ahaa militeri ahaan kuwa aad u diyaarsan, wuxuu sidoo kale dhaqaale ka aruuriyey bulshada muslimiinta ah ee ku nooleyd gudaha iyo banaanka Jableh si sahay iyo hub ahaan ay ugu isticmaalaan mujaahidiinta. Ugu dambeyn ciidamadaaas ma aysan gaarin Libya sababo lagu sheego ineysan helin gaadiidkii ay u adeegsan lahaayeen si ay uga talaabaan badda amase iney dawladii Cusmaaniyiintu u dirtay dhinaca wadama Balkaanka.

Kadib dhamaadkii dagaalkii 1aad ee aduunka wuxuu ku biirey oo tababar mileteri ka qaatey dawladii Cusmaaniyiinta, al-Qassam wuxuu bilaabey dhaqdhaqaaq uu uga soo horjeeday Faransiiska, 1919 al-Qassam wuxuu dagaal culus la galey ciidamadii Faransiiska. Sanadahii 1920 yadeedii wuxuu doon ugu safray Beyruut halkaas oo uu uga sii gudbey magaalada Hayfa ee dalka Filistiin wuxuuna ka bilaabey barida culuumta islaamka ayadoo ay halka dib la midoobeyn qoyska oo ka koobna xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood, Al-Qassam si ka duwan culumada kale ee muslimiinta wuxuu si dhakhso ah saameyn ugu yeeshay bulshadii reer Hayfa taas oo ay sababtey codkarnimadiisa ay wehliso aqoontiisa diineed iyo ilbaxnimada uu kasoo dhaxley safarada kala duwan eek u tagey wadamo kala duwan iyo dagaalada uu la galey gumeysiyada reer yurub taas oo uu fahamsanaa ujeedkooda rasmiga ah iyo dhagarta ay la damacsanyihiin caalamka islaamka.

1930 kii ama 1931 kii Al-Qassam wuxuu ka horyimid fikirkii yahuudeynta wuxuuna magaalada Haifa ka bilaabey dhaqdhaqaaq ciidan  oo hubeysan, si ka duwan hogaamiyayaashii reer |Filistin oo ayagu intooda badan fikirkaas nationalismka difaacey al-Qassam asagu wuxuu kaga horyimid siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan kuwaas oo ugu dambeyn la jihaadey xoogagii Ingiriiska ee halkaas joogey. 20 November 1935 kii ayuu ku geeriyoodey magaalada Hayfa.

No comments:

Post a Comment

ولنا في الحلال لقاء (And We Have A Meeting in Halal)

And We Have A Meeting in Halal Ahmed Atta “And We Have A Meeting in Halal” is a profound novel by Ahmed Atta that explores the emotional a...