Hadii dib aan u raacno taarikhda aadamaha, waxaa la diiwaangeliyey dagaalo fara badan. Qaarkood ma jirin sabab rasmi ah oo ay ka bilowdeen, qaar kamid ah maalmo gudahood ayaa lagu gumaadey bashar aan tiradiisa la koobi Karin, dagaaladaas oo u dhexeeya dawlado, qabiilo, kooxo, iyo waliba qaar ka dhex dhacey shakhsiyaad. Waxaa laga bartey nabadu iney tahay xalka kaliya ee lagu wado joogi karo, waxaa hakinta dagaaladaas iyo sidoo kale ka hortagga kuwa kale oo dhici kareyba door muhiim ah ka qaatey nabadoono iyo safiiro nabadeed.
Run ahaantii, hadii aad dib u milicsato diimaha kala duwan ee caalamka soo marey waxey si qoto dheer noo barayaan qiimaha nabad iyo in la ilaaliyo jiritaankeeda, Anbiyadii ilaahey u soo direy bani aadamka waxey dhamaantood ahaayeen nabadoono bulshooyinka barey habka nabad ku wada noolaanshaha.
Kadib dagaalo ba’an oo faraha looga gubtey markey ka dhaceen qeybo badan, kala duwan oo dunida kamid ah ayey bani aadamku garwaaqsadeen qiimaha ay leedahey nabadu, dunida waxey u baahantahey nabad si ay u badbaado, marka aan leenahey nabad kaliya yeysan maskaxdeena kusoo dhicin dilka iyo dhibaateynta dadka sidoo kale waa inaan ilaalinnaa oo dhibaato aan loo geysan deegaanka, dhirta, xayawaanaadka iyo sidoo kale waxyaabaha ay bulshooyinku hishiiska ku yihiin sida dhaqamada iyo xeerarka maxaa yeelay dunidu kaliya maahan bani aadamka, taas badalkeeda waa bani aadamka iyo waxa ku xeeran oo ay soo hoos galayaaan waxyaabaha aan kor ku xusnay kuwaasoo bani aadumku uusan noolaan karin ayaga la’aantood.
Halka dagaalku ka yahey carqaladeeyaha iyo burburiyaha waxkasta oo ifka saaran, nabadu waa dhisaha, xoojiyaha iyo soo celiyaha barwaaqada iyo ladnaanta. Nabadu waxey nagu hogaamisaa amni, wada noolaansho, sinnaan, cadaalad, horumar, waxey sidoo kale ka hortagtaa xanaaqa, akhlaaq xumada iyo baabi’inta noolaha iyo deegaanka.
Hadaba side ayey ku suurtageli kartaa in la helo nabad waarta, Waxaa jira siyaabo kala duwan oo ay ku suurtageli karto in nabad waarta laga dhex abuuro dhinacyada kala duwan ee bulshada. Waxaa muhiim ah in la darso lana ogaado nuuca shakhsiyadeed iyo hab dhaqan ee bulshada, in la abuuro amni iyo sidoo kale in la ilaaliyo sinnaanta dabaqadaha kala duwan ee bulshada, cadaalada iyo ilaalinta hanaanka siyaasadeed ee hishiiska lagu yahay. In horey loo sii guda galo horumarinta bulshada, dhan dhaqaale iyo mid cilmiyeed, loo abuuro fursado shaqo si uu u helo dhaqaale ku filan oo kaafin kara baahiyihiisa nololeed, la siiyo adeeg dawladeed oo asaasi ah, loo sinnaado fursadaha. In dadku ku kala mashquulaan arimahooda nololeed waxey keeni kartaa in qofna uusan helin jaanis waqtina uusan gelin ka shaqeynta amni xumo. Inkasta oo ay caksi noqon karto hadana inta badan dadka ka shaqeeya colaada waa kuwa aan colaadu waxba kala tageyn tusaale ahaan qof aan guri iyo gabaad toona ku heysan halka dirirtu ka taagantahey waxba uma jirto inuu noqdo kan xaabada ugu badan ku tuura dhardhaarta sadex geesoodka ah ee lagu karkarinayo colaada, ayadoo mararka qaarna kuwa ugu hantida badan ay yihiin kuwa ka macaasha colaadaha.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ilaaliyo, la xanaaneeyo lana barbaariyo deegaanka bulshadu ku nooshahey iyo noolaha kala duwan ee ku nool, deegaanka oo burbura waxa uu keeni karaa abaar, biyo la’aan iyo daaqa oo xumaada kuwaas oo ah waxyaabaha saldhigga ah colaada iyo dirirta mudo badan ka dhex aloosneyd ummada Soomaaliyeed, dadka reer guuraaga ah ayaa u sahan taga hadba halka xoolahooda daaq iyo biyo uga heli karaan taas oo keenta in bulshooyinka ay isku maandhaafaan hanaanka wada degida iyo wadaagga khayraadka. Si taas looga fogaado hadii qofwalba deegaanka u uu ku noolyahay ilaalintiisa qeyb libaax ka qaato waxaa yaraanaya baahida loo qabo geediga. Si lamid ah hadii laga guuro hanaanka xoola raacashada ee loo guuro midka ah xoola dhaqashada tusaale ahaan qofkasta oo heysta tiro xoola ah hadii uu beerto calaf iyo badar soona saarto cuntada ay cuni lahaayeen qoyskiisa iyo xoolihiisa waxaa hubaal ah in qofna uusan baahi u qabeen inuu xoolihiisa u raadiyo naq iyo daaq, waxaa sidoo kale halkaas ka dhalanaya iney siyaado ilbaxnimada oo caruurta qoysaska halka la daba dhigi lahaa xoolaha iney badalkeeda aadaan goobaha waxbarshada sidaa dugsiyada quraanka, xalaqaatka kitaabaha diiniga lagu daraaseeyo iyo goobaha culuumta maadiga ah lagu barto.
Diinta islaamku in badan ayey ka hadashey akhlaaqda wanaagsan, deris wanaagga, xiriirinta qaraabada, is kaalmeynta, sadaqada iyo is gacan qabashada kuwaas oo ah waxyaabaha kordhiya kalgaceylka iyo farxad kuwada noolaanshaha bulshada, Waxyaabaha sida adag uu Nebigeena SCW nooga dardaarmey ayey kamid tahey ilaalinta xaqa deriska uu Nebiga scw uu yiri sida uu Jibriil CS uu uga hadley ilaalinta xaqa deriska ilaa aan moodey in deriska uu midkood kan kale dhaxli doono. Dhaqanka quruxda badan ee Somaalida waxaa kamid ah is caawinta iyo is garab istaagga, qofkast oo naga mid ah wuxuu marqaati usoo noqday ayadoo ay reeraha deriska ah kala qaataan dabka, kala qardeystaan raashinka, kala tabalsadaan maacuunta iyo mararka qaar dharka gaar ahaan maamlmaha munaasabaha muhiimka ah ay jiraan sida aroosyada iyo soo martiqaadyada. Taas waxey keenaysaa in qoysaska ay nqodaan kuwa is jecel, maxabbo iyo is aaminaad ay dhex taalo, bulsho kasta waxey ka bilaabataa qoysas, ilaa qaarad laga soo gaaro. Waxyaabaha kale oo mudan inaan carabka ku dhufano ayaa waxaa kamid ah barbaarinta wanaagsan ee qoyska iyo waalidku ilmaha ku tarbiyeeyaan ilaalinta xuquuqda iyo xitiraamka kuwa kale.
Ugu dambeyn waxaa muhiim ah inaan dhamaanteenka qeyb qaadano ilaalinta iyo horumarinta nabad waarta taasoo ah masuuliyad qof walba dhinaciisa ka saaran.
No comments:
Post a Comment