Friday, 30 December 2022

Dabaaldegga Sanadka Cusub

 


 

Taariikh ahaan umaddaha islaamku waxyaabo badan oo ay lahaayeen ayey si fudud ku lumiyeen tusaale ahaan hab dhaqanka, hab fakarka iyo hab noolaanshaha, waxaaana booskooda galey qaabab naloogu sheegay iney yihiin casri oo ay tahey inaan dabaqno kadib markaan ka tagney kuwii aan laheyn.

 

Sanadka cusub ee miilaadiga ah markuu bilowdo midkalana uu dhamaado waxaad u sii dhawaanaysid waa qabri cimrigaagiina waa sii gaabanayaa, waxyaabaha ay tahey inaa is weydiisid waxaa kamid ah; muxuu cimrigaagii ku tagay sanadkii dhamaadey, maxaad enerjigaagii u isticmaashey ma wado saxan mise mid aan saxneyn, qorshayaashii aad laheyd sanadkii hore maxaa kaaga hirgaley maxaase ka hirgali waayey, sababtuna maxey tahey, qorshayaashaadu ma ahaayeen kuwa aduunkaaga iyo aakhiradaada nacfi u leh mise maya, sanadka soo socda maxaad u diyaarsatey, kii hore ee tagey maxaad rabtaa inuu kaga duwanaado, mise waxaa rabtaa kaliya inaa gallerygaaga ku sagoositsid kuna soo dhaweysid, Sanadkii tagay xasuuso dad aad taqaanay oo hadda qabriga jiifa ma iswaydiisay xageebay dadkaas  aadeen? Su'aalahaas iyo kuwa lamid ah miyaa qofka muslimkaa ee caaqilka ah horyaal inuu is weydiiyo mise inuu sawir diyaarsan inta soo tuuro yiraahdo happy new year.....

 

Hadii aan is weydiino, waa maxey sababta aan ugu dabaaldegeyno dhalashada sanadka cusub? Tolow maxey noqoneysaa jawaabteedu…. Qofba aragti ayuu ka qabi karaa, adinka ayaana idiin dhaafey.

 

Inkastoo oo aan la ogeyn xilliga saxda ah, haddana maalintii dhalashada Nabi Ciise CS ayey sheegaan iney tahey 25kii Disember. Balse kaniisadihii kala duwanaa taariikhaan kuma aysan midoobin waxeyna qaateen taariikho kala duwan. Santa Claus, oo sidoo kale loo yaqaan Aabaha Christmaska, Saint Nicholas, Saint Nick, Kris Kringle, ama si fudud Santa waa astaan taariikheed aad caan uga ah kirishtanka dhexdiisa. Santa waxaa guud ahaan lagu sawiraa sida nin cajiib ah, oo gar cad, badanaa wuxuu leeyahay muuqaalo, isagoo xiran jaakad gaduudan oo  qoorta ku leh dhogor cad iyo gloves, suun gaduudan, iyo kabo madow, sitana kartoon ay ka buuxaan hadiyado loogu talagalay carruurta. Muddo kadib waxaa la badeley taariihda Santa, waxaa laga sameeyey sheekooyin badan waxaana lagu dhex darey xuska dhalashada Nebi Ciise  oo laatiin ahaan loo yaqaan Noel ka, waxaa markii u horeysay qarnigii 17aad Germany lagu xusey xaflada chrismaska ee sanadka cusub si tartiib ah ayeynaa ugu faafey dunidii kale ee kirishtanka.

Marka taas laga soo tago waxaa jirta in Kirishtanku aysan ummadda muslimiinta ah u isticmaalin si ay kirishtanka ugugu yeeraan iney siiyaan kitaabkooda ama katiinadaha ay xirtaan taas badalkeeda ay isticmaalaan falsafado kale sida iney fariimahooda kusoo gudbiyaan filimaanta, barnaamijyada telefeshinada, tusaale ahaan Santa oo ku caaan baxey inuu yahey astaan caawinaad iyo gargaar bani aadanimo fidisa. Hadiia an dib u fiirino agabyada ay caruurtu ku cayaaraan ama meelaha qaarkood filimaanta loogu tala galey caruurta iyo wixii lamid ah waxaa ku arki kartaa iney ugu soo laabisaan characterska jilaya Astaamihii uu lahaa Santa, waxaa suurtagal ah in cunuga daawadey filim kartoonka ah ee Santa uu jeclaado qaab labiskiisa kedibna waalidkiis suuqa uga soo iibiyeen ayagoon war u heyn macna ahaanna waxa uu ka turjumayo. 

Waxey taas tusineysaa in badi fariimaha la gudbinayo dhaqaalaha faraha bandanna uu ku baxayo ay ku socdaan wado ay ku guuleysteen oo ah iney ayaga oo aan kugu tashkiilin kusoo biiridda kirishtanka ay ku gaarsiiyeen heer aad sidooda kale u labisato, ilamahana loogu labiso. Weriye ayaa suaal weydiiyey Raiisul wasaarihii Israil Shimon Peres “Quraanka keriimka ah ayaa inoo sheegaya in dowladdiinnu baabbi'i doonto?” Wuxuu ku jawaaabey Peres "Muslimiinta quraanka ku xusan ha yimaadeen, kuwa halaagi doona dowlideenna! Markaas ayaanu ka fikiri doonnaa." Taas oo ah in Muslimiinta nucaas ahi maanta aysan joogin, si aysan u dhalanna ay dedaalkasta geliyeen uguna jiraaan, hadii ay soo baxaanna ay ogyihiin waxa ay kala kulmi karaan oo ah sida quraanku noo sheegay asaguna uusan inkirsaneen. Maanta la joogo waxaa jira waxyaabo badan oo bulshooyinka muslimiinta ah ay nolol ahaan la qabsadeen, sameyntoodana ay noqotey wax aan aad cajiib u aheyn kuwaas oo sanado kahor ahaa waxyaabo qariib ah oo qofkii sameeya ama lagu maqlana aad loola yaabi jirey, ayadoo wadada casriyeynta ama ilbaxnimada naloosoo marayo ayaa lagu guuleysta inaan sidaas u noolaano....

Friday, 9 December 2022

Nabad Waarta


 


 Hadii dib aan u raacno taarikhda aadamaha, waxaa la diiwaangeliyey dagaalo fara badan. Qaarkood ma jirin sabab rasmi ah oo ay ka bilowdeen, qaar kamid ah maalmo gudahood ayaa lagu gumaadey bashar aan tiradiisa la koobi Karin, dagaaladaas oo u dhexeeya dawlado, qabiilo, kooxo, iyo waliba qaar ka dhex dhacey shakhsiyaad. Waxaa laga bartey nabadu iney tahay xalka kaliya ee lagu wado joogi karo, waxaa hakinta dagaaladaas iyo sidoo kale ka hortagga kuwa kale oo dhici kareyba door muhiim ah ka qaatey nabadoono iyo safiiro nabadeed.

Run ahaantii, hadii aad dib u milicsato diimaha kala duwan ee caalamka soo marey waxey si qoto dheer noo barayaan qiimaha nabad iyo in la ilaaliyo jiritaankeeda, Anbiyadii ilaahey u soo direy bani aadamka waxey dhamaantood ahaayeen nabadoono bulshooyinka barey habka nabad ku wada noolaanshaha.

Kadib dagaalo ba’an oo faraha looga gubtey markey ka dhaceen qeybo badan, kala duwan oo dunida kamid ah ayey bani aadamku garwaaqsadeen qiimaha ay leedahey nabadu, dunida waxey u baahantahey nabad si ay u badbaado, marka aan leenahey nabad kaliya yeysan maskaxdeena kusoo dhicin dilka iyo dhibaateynta dadka sidoo kale waa inaan ilaalinnaa oo dhibaato aan loo geysan deegaanka, dhirta, xayawaanaadka iyo sidoo kale waxyaabaha ay bulshooyinku hishiiska ku yihiin sida dhaqamada iyo xeerarka maxaa yeelay dunidu kaliya maahan bani aadamka, taas badalkeeda waa bani aadamka iyo waxa ku xeeran oo ay soo hoos galayaaan waxyaabaha aan kor ku xusnay kuwaasoo bani aadumku uusan noolaan karin ayaga la’aantood.

Halka dagaalku ka yahey carqaladeeyaha iyo burburiyaha waxkasta oo ifka saaran, nabadu waa dhisaha, xoojiyaha iyo soo celiyaha barwaaqada iyo ladnaanta. Nabadu waxey nagu hogaamisaa amni, wada noolaansho, sinnaan, cadaalad, horumar, waxey sidoo kale ka hortagtaa xanaaqa, akhlaaq xumada iyo baabi’inta noolaha iyo deegaanka.

Hadaba side ayey ku suurtageli kartaa in la helo nabad waarta, Waxaa jira siyaabo kala duwan oo ay ku suurtageli karto in nabad waarta laga dhex abuuro dhinacyada kala duwan ee bulshada. Waxaa muhiim ah in la darso lana ogaado nuuca shakhsiyadeed iyo hab dhaqan ee bulshada, in la abuuro amni iyo sidoo kale in la ilaaliyo sinnaanta dabaqadaha kala duwan ee bulshada, cadaalada iyo ilaalinta hanaanka siyaasadeed ee hishiiska lagu yahay. In horey loo sii guda galo horumarinta bulshada, dhan dhaqaale iyo mid cilmiyeed, loo abuuro fursado shaqo si uu u helo dhaqaale ku filan oo kaafin kara baahiyihiisa nololeed, la siiyo adeeg dawladeed oo asaasi ah, loo sinnaado fursadaha. In dadku ku kala mashquulaan arimahooda nololeed waxey keeni kartaa in qofna uusan helin jaanis waqtina uusan gelin ka shaqeynta amni xumo. Inkasta oo ay caksi noqon karto hadana inta badan dadka ka shaqeeya colaada waa kuwa aan colaadu waxba kala tageyn tusaale ahaan qof aan guri iyo gabaad toona ku heysan halka dirirtu ka taagantahey waxba uma jirto inuu noqdo kan xaabada ugu badan ku tuura dhardhaarta sadex geesoodka ah ee lagu karkarinayo colaada, ayadoo mararka qaarna kuwa ugu hantida badan ay yihiin kuwa ka macaasha colaadaha.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ilaaliyo, la xanaaneeyo lana barbaariyo deegaanka bulshadu ku nooshahey iyo noolaha kala duwan ee ku nool, deegaanka oo burbura waxa uu keeni karaa abaar, biyo la’aan iyo daaqa oo xumaada kuwaas oo ah waxyaabaha saldhigga ah colaada iyo dirirta mudo badan ka dhex aloosneyd ummada Soomaaliyeed, dadka reer guuraaga ah ayaa u sahan taga hadba halka xoolahooda daaq iyo biyo uga heli karaan taas oo keenta in bulshooyinka ay isku maandhaafaan hanaanka wada degida iyo wadaagga khayraadka. Si taas looga fogaado hadii qofwalba deegaanka u uu ku noolyahay ilaalintiisa qeyb libaax ka qaato waxaa yaraanaya baahida loo qabo geediga. Si lamid ah hadii laga guuro hanaanka xoola raacashada ee loo guuro midka ah xoola  dhaqashada tusaale ahaan qofkasta oo heysta tiro xoola ah hadii uu beerto calaf iyo badar soona saarto cuntada ay cuni lahaayeen qoyskiisa iyo xoolihiisa waxaa hubaal ah in qofna uusan baahi u qabeen inuu xoolihiisa u raadiyo naq iyo daaq, waxaa sidoo kale halkaas ka dhalanaya iney siyaado ilbaxnimada oo caruurta qoysaska halka la daba dhigi lahaa xoolaha iney badalkeeda aadaan goobaha waxbarshada sidaa dugsiyada quraanka, xalaqaatka kitaabaha diiniga lagu daraaseeyo iyo goobaha culuumta maadiga ah lagu barto.

Diinta islaamku in badan ayey ka hadashey akhlaaqda wanaagsan, deris wanaagga, xiriirinta qaraabada, is kaalmeynta, sadaqada iyo is gacan qabashada kuwaas oo ah waxyaabaha kordhiya kalgaceylka iyo farxad kuwada noolaanshaha bulshada, Waxyaabaha sida adag uu Nebigeena SCW nooga dardaarmey ayey kamid tahey ilaalinta xaqa deriska uu Nebiga scw uu yiri sida uu Jibriil CS uu uga hadley ilaalinta xaqa deriska ilaa aan moodey in deriska uu midkood kan kale dhaxli doono. Dhaqanka quruxda badan ee Somaalida waxaa kamid ah is caawinta iyo is garab istaagga, qofkast oo naga mid ah wuxuu marqaati usoo noqday ayadoo ay reeraha deriska ah kala qaataan dabka, kala qardeystaan raashinka, kala tabalsadaan maacuunta iyo mararka qaar dharka gaar ahaan maamlmaha munaasabaha muhiimka ah ay jiraan sida aroosyada iyo soo martiqaadyada. Taas waxey keenaysaa in qoysaska ay nqodaan kuwa is jecel, maxabbo iyo is aaminaad ay dhex taalo, bulsho kasta waxey ka bilaabataa qoysas, ilaa qaarad laga soo gaaro. Waxyaabaha kale oo mudan inaan carabka ku dhufano ayaa waxaa kamid ah barbaarinta wanaagsan ee qoyska iyo waalidku ilmaha ku tarbiyeeyaan ilaalinta xuquuqda iyo xitiraamka kuwa kale.

Ugu dambeyn waxaa muhiim ah inaan dhamaanteenka qeyb qaadano ilaalinta iyo horumarinta nabad waarta taasoo ah masuuliyad qof walba dhinaciisa ka saaran.

Friday, 18 November 2022

Izz ad-Din al-Qassam



Izz ad-Din Abd al-Qadar ibn Mustafa ibn Yusuf ibn Muhammad al-Qassam wuxuu ku dhashey magaalada Jableh taas oo dhacda woqooyi galbeed Suriya, aabihiis Abd al-Qadar wuxuu ahaa garsoore kamid ah garsoorayaashii Cusmaaniyiinta. Al-Qassam wuxuu ahaa Xanafi sunni islaamiya ah, wuxuu wax ku bartay masjidka Istambuli  waxaaana culumadii wax soo bartay kamid ahaa sheikh Salim Tayarah. wuxuu ahaa hogaamiye iyo mujaahid u dhashey dalka Suriya, wuxuu halgan la galey gumeysigii reer yurub sida Ingriiska iyo Faransiiska, wuxuu sidoo kale ahaa mid kasoo horjeeda fikirka Zionismka.

Al-Qassam wuxuu wax ku bartay jaamacada Al-azhar ee dalka Masar kadib waxbarashadiisa heerka jaamacadeed wuxuu dib ugu laabtay magaaladiisa Jableh halkaas oo uu ka bilaabey u dhaqdhaqaaqida arimaha islaamka iyo jihaadka xiliyadii ee cusmaaniyiinta. Wuxuu qeyb weyn ka qaatey dedaaladii lagu caawinayey dalka Liibiya oo sanadahaas ay soo galeen gumeysigii Talyaaniga, wuxuu ciidan iyo hub u aruurin ka bilaabey magaaladii uu joogey ee Jableh, maalin jumca ah khudbada kadib al-Qassam wuxuu ka istaagey masaajidka wuxuu jihaad lagu caaawinyo muslimiinta reer Libya ugu yeeray bulshada gaar ahaan wuxuu aruuriyey ciidamada qaatey tababarka Cusmaaniyiinta kuwaas oo ahaa militeri ahaan kuwa aad u diyaarsan, wuxuu sidoo kale dhaqaale ka aruuriyey bulshada muslimiinta ah ee ku nooleyd gudaha iyo banaanka Jableh si sahay iyo hub ahaan ay ugu isticmaalaan mujaahidiinta. Ugu dambeyn ciidamadaaas ma aysan gaarin Libya sababo lagu sheego ineysan helin gaadiidkii ay u adeegsan lahaayeen si ay uga talaabaan badda amase iney dawladii Cusmaaniyiintu u dirtay dhinaca wadama Balkaanka.

Kadib dhamaadkii dagaalkii 1aad ee aduunka wuxuu ku biirey oo tababar mileteri ka qaatey dawladii Cusmaaniyiinta, al-Qassam wuxuu bilaabey dhaqdhaqaaq uu uga soo horjeeday Faransiiska, 1919 al-Qassam wuxuu dagaal culus la galey ciidamadii Faransiiska. Sanadahii 1920 yadeedii wuxuu doon ugu safray Beyruut halkaas oo uu uga sii gudbey magaalada Hayfa ee dalka Filistiin wuxuuna ka bilaabey barida culuumta islaamka ayadoo ay halka dib la midoobeyn qoyska oo ka koobna xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood, Al-Qassam si ka duwan culumada kale ee muslimiinta wuxuu si dhakhso ah saameyn ugu yeeshay bulshadii reer Hayfa taas oo ay sababtey codkarnimadiisa ay wehliso aqoontiisa diineed iyo ilbaxnimada uu kasoo dhaxley safarada kala duwan eek u tagey wadamo kala duwan iyo dagaalada uu la galey gumeysiyada reer yurub taas oo uu fahamsanaa ujeedkooda rasmiga ah iyo dhagarta ay la damacsanyihiin caalamka islaamka.

1930 kii ama 1931 kii Al-Qassam wuxuu ka horyimid fikirkii yahuudeynta wuxuuna magaalada Haifa ka bilaabey dhaqdhaqaaq ciidan  oo hubeysan, si ka duwan hogaamiyayaashii reer |Filistin oo ayagu intooda badan fikirkaas nationalismka difaacey al-Qassam asagu wuxuu kaga horyimid siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan kuwaas oo ugu dambeyn la jihaadey xoogagii Ingiriiska ee halkaas joogey. 20 November 1935 kii ayuu ku geeriyoodey magaalada Hayfa.

TASAWUF

  QUR’AANKA IYO SUNNADA AYAA LAGU GAARAA XAQIIQADA DHAMAYSTIRAN… Si qof Muslimka ah u gaaro derajada ah “Insaan dhameystiran”, midkamid ah h...